Somaliland oo Ka Hadashay Aragtideeda Ku Aaddan Doorashada Cali Khaliif
Hargeysa:Aug,14,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay Aragtideeda ku aaddan Doorashada Maanta Xildhibaan Cali Khaliif Loogu Doortay Inuu Noqdo Madaxweynaha Kooxda Dibadwareegga ah Khaatumo.
Wasiiru-dawlaha Nabadaynta Deegaanada Bariga Somaliland Cali Maxamuud Xasan (Sadulle), ayaa sheegay inaanay Somaliland waxba u noqonaynin Sheegashada Cali Khaliif ee Madaxweynenimada Cali Khaliif.
Cali Sandule oo u warramay Idaacadda BBC-da, ayaa tilmaamay inaanay doorashada cali khaliif salka ku Haynin rabitaanka Shacabka,
“marka hore aad iyo aad baanu uga xumahay inuu cali khaliif yidhhaahdo tuulo yar baan ka talinayaa wax saamayn ah oo ay Somaliland ku ledahayna ma jirto. Waxana aan ka xumahay inuu ninkaasi hoos u dhacay.” Ayuu yidhi Cali Sandulle.
Cali Sandulle oo ka jawaabayey su’aal ahayd in deegaankaasi noqon karo maamul Goboleed, ayaa sidan ku jawaabay,
“dawlad goboleed ma noqon karaan cali khaliif-na ma leh, umad badan baana degta waana meel Somaliland ah.meeshaa dadka ku shiray boqolikiiba shan kama aha reerka dhulbahante la yidhaadho,”
Waxa uu sheegay cali Sandulle inay soo dhaweynayaan Cabashooyinka Jira, balse aanay wax wada Hadal ah la geli doonin Cali Khaliif, waxana uu yihdi, “Markasta waa soo dhaweynaynaa cid kasta oo wax tabanaynsa horena gogashu waa fidsanayd, tuulada saaxdheerna ma noqonayso maamul iyo maamul Goboleed midna dadkuna waa Somaliland. geedka uu odaygaasi saaka boqolka qof ku ururiyey ma metelaan dadka deegaanka”
Cali Khaliif ayaa Beddeli doona Indha-sheel oo isagu muddo Saddex sano ah soo ahaa Madaweynaha Maamulkaas aan salka lahayn, waxana hore dhinaca Puntland ugu biiray Labadii madaxweyne ee Hore loola doortay Indha-sheel oo iyagu rajo la’aan Muujiyey.
SDN/QJ