|

Somaliland oo ka hor timi in Ciidamada Turkiga la geeyo badaheeda

Hargeysa July 25, 2024(QJ)-Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga hortimid in ciidamo Turki ah la keeno xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo la filayo inay dhawaan soo gaadhaan Geeska Afrika.

War-saxafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa lagu yidhi, “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si aan leex leexleexad lahayn u diidaysaa in ciidammo ka tirsan kuwa badda ee Turkiga la keeno xeebaha Somaliland.

“Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si adag uga soo horjeedaa in ciidamada badda ee Turkiga lagu soo biiriyo dhulka Somaliland ee caalamku aqoonsan yahay, meelahaasi waxay si cad u qeexayaan shuruucda caalamiga ah, waxaanay muhiim u yihiin madax-banaanida iyo jiritaanka dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland,” ayay tidhi wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Arrintaan ayaa kusoo aadeysa xili Madaxweynaha Turkiga Erdogan uu dhawaan ka codsaday Baarlamaanka dalkaasi inay ansixiyaan in ciidamo Turki ah la keeno Somalia, iyadoo la tixraacayo Heshiiskii ay dhawaan kala saxiixdeen Dowladaha Somalia iyo Turkiga, kaasi oo dhigayay in Turkiga uu ilaaliyo Badda Somalia.

Comments are closed