|

Somaliland oo ka hadhay mustaqbalka heshiiskii badda ee Itoobiya

Hargeysa (QJ) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa faahfaahin ka bixiyay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee maamulkii hore ee Madaxweyne Biixi la gaadhay Itoobiya, iyo halka uu marayo heshiis dhexmaray Raysal-wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isla arrinkaas.

Dr. Ciise-Kayd ayaa sheegay in nuqulada heshiiska Is-afgaradka lagu wareejin doono maamulka cusub ee uu soo dhisay Madaxweyne Cirro si ay u sii wadaan dhamaystirka heshiiska.

“Heshiiskani waxa uu khuseeyaa qiyamka dalka iyo dadka Somaliland, maaha wax si fudud lagu soo afjari karo, isfahamkaas waxa saxeexay khubaro labada dhinac ah, waxa loo baahan yahay in wax laga bedelo si loo hubiyo in uu yahay mid ay ku wada qancaan qaranka iyo dadkoodaba. “ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ee xilka ka sii degaya.

Waxa uu intaasi ku daray in is-fahamkaasi uu ahaa mid ay labada dhinacba uga faa’iidaysteen, isla markaana ay taageero sharci oo xooggan ka haystaan ​​heshiiskaas oo aanay jirin wax caqabad ah.

“Ma jiraan wax caqabado ah oo hortaagan heshiiskan, xiriirka aan la leenahay Itoobiya wuxuu ahaan jiray sidii hore, waxaan wadeynay turxaan bixinta Is-afgaradka iyo qodobadiisa si aan u hubinno inuu buuxiyo heerarka lagama maarmaanka ah,” ayuu yiri Ciise Kayd.

Dr. Ciise Kayd waxa uu xusay in dukumentiyada la xidhiidha heshiiska ay ku wareejiyeen Madaxweyne Cirro iyo maamulkiisa.

“Waxaanu ku wareejinay Madaxweyne Cirro iyo maamulkiisa, oo halkaas ka sii wadi doona, wax ka bedel iyo kaabis kasta oo loo baahan yahayna way ka sii wadi doonaan,” ayuu raaciyay.

Waxa kale oo uu xusay in Somaliland aanay khusayn wada-hadalladii todobaadkii hore dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ku dhex maray magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kaas oo uu dhexdhexaadiyey Madaxweyne Erdogan.

“Kulankaas annaga nagama quseeyo, wax kasta oo ay Soomaaliya iyo Itoobiya ku heshiiyaan ama ay ku heshiiyaan nama quseeyo, waxaan nahay dal madax-bannaan oo mustaqbalkiisa ka tashanaya, xuduudihiisana aysan cid kale ka talin karin” ayuu yiri Ciise Kayd.

Dr. Ciise Kayd ayaa meesha ka saaray hadal ka soo yeeray Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ahaa in Itoobiya ay ka baxday heshiiskii ay la gashay Somaliland.

Madax-banaanida Soomaaliya waa mid iyaga u gaar ah, annagu Somaliland baanu nahay, Xamar ha ka xoroobo Argagaxisada, wax amar ah oo ay Somaliland ku leeyihiin dhul iyo bad ahaanba ma haystaan.” Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ee xilka ka sii degaya.

Wuxuu ku nuux-nuux saday in tan iyo markii ay Itoobiya heshiis la galeen, ay ilaashaday xiriir wanaagsan iyo horumar.

“Arrimahaas mar walba waanu ka wada hadli jirnay, si joogto ah ayaanu uga wada hadalnay, heshiiskana waanu u xoojinaynay, xukuumadda cusub ee Madaxweyne Cirrona way ka sii wadi doontaa,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys oo ka hadlay heshiiskii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, ayaa ku gacan seyray heshiiska Itoobiya iyo Somaliland oo uu ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin, kaasoo shaki geliyey halka uu marayo.

“Sida iska cad war-saxaafadeedka waa la isku fahmi waayay, waxaa lagu sheegay in dhammaan heshiisyadii horay loo galay ay meesha ka baxeen, taasoo muujineysa in heshiis hore uusan jirin”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys.

Comments are closed