Somaliland oo ka hadashay wararka sheegaya xidhiidhka Israa’iil
Hargeysa(QJ)- Xukuumadda Somalialnd ayaa markii ugu hroaysay ka hadashay warar sheegaya in wasiirka gaashaan dhiga ee Somaliland uu tegay Faransiiska halkaas oo uu kaga qayb galay shir ay soo agaasintay Israa’iil, iyo madaxweynaha Somaliland oo socdaal ku tegaya Israa’iil.
Somaliland gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhigu waxay warkan ku tilmaantay mid ben abuur ah oo aanay waxba ka jirin, waxaana qoraal wasaaradda kasoo baxay lagu yidhi:
“Wararka beenta ah ee laga sheegayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JSL
Warar aan Sal iyo Raad toona lahayn ayaa lagu baahiyay Wargayska the Times of Israel kaas oo ay ku sheegeen wargaysa in Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JSL uu ka qayb galay shir lagaga hadlayay iskaashiga Israel iyo Wadamada Africa .
Waana been cad oo marag ma doona Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JSL Abdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) waxa uu Mudooyinkii u dambeeyay ka Shaqaynayay hawlaha Qaranka ee horyaala waxa uu ka mid ahaa gudidii qaban qaabada maalinta qaran ee 18May waxaana uu ahaa gudoomiye ku xigeenka gudida 18may, Wakhtigaa uu wargaysku ku sheegay in uu shirka ka qayb galay Wasiirku waxa uu ku mashquulsanaa qaban qaabada Xuska maalinta Qaran ee 18may.
Wararka noocaan ah waxa loogu talagalay in sumcada Qaranka JSL lagu waxyeeleeyo”
Shalay ayay warbaahinta Israa’iil daabacday warka sheegaya Somaliland oo rabta xidhiidhka Israa’iil.