Somaliland Oo Ka Hadashay Muwaadiniin u Dhashay Turkiga Oo Lagu Dilay Soomaaliya
Hargeysa, 01.April 2016-(SDN/QJ): – Koox hubeysan ayaa doraad galab laba qof oo Turki ah ku dilay magaaladda Muqdisho, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen weerarkaasi lagu bartilmaameedsaday dadkan Turkiga ah oo ka shaqeynayay xarun caafimaad oo dawladda Turkigu ka hirgelisay magaaladda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ee qalalaasaha iyo colaaduhu ragaadiyeen.
Sidoo kale falkan oo ay fuliyeen koox aan illaa imika la aqoonsan oo watay baabuur Mini-bus ah, waxa kale oo weerarkan ku dhintay afar qof oo Soomaali ah oo iyaguna ka shaqeynayay cisbitaalka Turkiga ee magaaladda Muqdisho ee DEVA isla markaana baabuur la saarnaa shaqaalahan Turkiga ahaa.
Xukuumadda Somaliland ayaa Shacabka Turkiga iyo Madaxweynaha Turkiga ka tacsiyadeeyey weerarka dhimashada iyo dhaawac sababay ee ka dhacay magaalada Muqdisho, soona gaadhay muwaadiniin u dhashay dalkooda iyo kuwo u dhashay Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire oo xalay la xidhiidhay wargeyska afka Xukuumada ku hadla ee Dawan oo Aanu Warkan ka soo xiganay ayaa sheegay inay tacsi u dirayaan dhammaan dadkii dhimashada iyo dhaawacu ka soo gaadhay weerarkii Muqdisho ka dhacay shalay.
“Xukuumadda Somaliland waxay ka tacsiyadeynaysaa shacabka Turkiga iyo Madaxweynahooda dhimashadii iyo dhaawacyadii ka soo gaadhay muwaadiniintooda, weerarkii doraad ka dhacy Muqdisho. Waxaan sidoo kale tacsi u diraynaa madaxda iyo shacabka Soomaaliya dhimashada iyo dhaawacii ka soo gaadhay dadkii u dhashay ee weerarkaas ku naf waayay,”ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga Somaliland.
Wasiir Dr. Sacad waxa uu dadka ku dhaawacmay weerarkan ILAAHAY uga baryay inuu shaafiyo oo ay ka kabtaan khasaaraha soo gaadhay.
Afhayeenka gobolka Banaadir, ee caasimada wadanka Soomaaliya ee Muqdisho, Cabdifatax Cumar Xalane oo la hadlay idaacada Dalsan ayaa ku sheegay in tirada dadka ku dhintay weerarkaasi ay yihiin lix qof, oo laba u dhalatay dalka Turkiga, halka afarta kale Soomali yihiin.
Sidoo kale Afhayeenka ayaa raaciyey in dadka ku dhaawacmay weerarkaa yihiin shan arday u dhalatay dalka Turkiga iyo nin Keenyaan ah.
Weerarka dabley hubaysani fuliyeen, ayaa ka dhacay agagaarka masaajidka Sheekh Cali Suufi ee degmada Hodan. Waxaana la soo weriyay inay ku baxsadeen gaadhigii ay wateen ka dib markii ay weerarkaa dhimashada iyo dhaawaca sababay geysteen.
Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha dawladda Muqdisho Cumar Cabdirashiid, ayaa si kulul loogu cambaareeyey weerarkii waxshnimada ahaa ee lagu laayey dhakhaatiir isugu jirtay Soomaali iyo Turki xilli ay gar-gaar u fidinayeen dadka Soomaaliya.
“Waan la xanuunsaneynaa walaalaheenna Turkiga ee iyaga oo shacabkeenna gargaaraya la dhibaateeyay, waana la murugooneynaa shacabka iyo dawladda Turkiga,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.
Sidoo kale, Wargeyska Dawan, oo xidhiidh kala sameeyey masuuliyiinta Turkiga ee ku sugan caasimada Hargeysa, waxay kala socdaan iyo sababta ay uga hadli waayeen, ayaanan wax jawaab ah ka helin.