|

Somaliland oo ka hadashay heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya

Hargeysa (QJ) – Somaliland ayaa ka hadashay heshiiskii Ankara ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, kaasoo u muuqda inuu meesha ka saaray heshiiskii ay horay u wada gaareen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.

Afhayeenka Xisbiga Waddani, Maxamed Faarax Cabdi, ayaa ka hadlay aragtida Xisbigooda ee ku aadan heshiiskii Ankara ku dhexmaray Madaxweynaha Dowladda Federalka Somaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya.

Inkasta oo xukuumadda cusub loo dhaariyey maalin uun ka dib heshiiskii Ankara, haddana Somaliland waxay ka hadashay qorshahooda ku aaddan heshiiskan iyo guud ahaan is-fahamkii hore ee Somaliland iyo Itoobiya.

“Heshiiska Ankara nagama khuseeyo, laba dal ayuu khuseeyaa, anaguna Somaliland baanu nahay, haddii ay doonayaan inay heshiiyaan waa laba dal oo walaalo ah, waa wax iska caadi ah inay heshiiyaan oo ay ka wada hadlaan, annaga nama khuseeyo. Ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga Waddani Maxamed Faarax Cabdi.

Waxa kale oo uu ka hadlay mawqifka xukuumadda ee ku aaddan heshiiskii is-afgaradka ahaa ee hore u dhex maray Somaliland iyo Itoobiya.

Is-afgaradkii Itoobiya maanu arag, xukuumadda cusubi hadda way xilka la wareegtay, dib-u-eegis ayaana ku samaynaynaa, haddii ay Somaliland faa’iido u leedahayna waanu taageeraynaa, haddii ay ka bixi waydana ka daba-tagi mayno, waanu sugi doonaa inaanu aragno. ka dibna go’aanso,” ayuu yidhi.

Xisbiga talada haya ee Waddani ee Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay waxyaabaha ay u kala mudan yihiin 100-ka maalmood ee ugu horreeya ee ay xilka hayaan iyo sidii ay u kala jaan-qaadi lahaayeen qorshahooda iyo waxqabadkooda.

Comments are closed