Somaliland oo ka Hadashay Aqoonsi bixinta Magaalada Cardiff ee dalka Uk DAAWO
London, 29 March 2015 (SDN/QJ)-Xukuumada Somaliland, ayaa markii ugu horaysay ka falcelisay aqoonsigii uu siiyay deegaanka Cardif maalinta khamiista ahayd oo ay si buuxda u aqoonsaddeen jiritaanka iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiiradda wasaaradaha Madaxtooyadda, Arrimaha Dibadd iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax, Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Maxamed Biixi Yoonis oo iyagu munaasibadda aqoonsiga deegaanka Cardif ka qaybgalay ayaa dareenkooda ka warbixiyey iyo waxyaabaha Somaliland uga meel yaala aqoonsiga Deegaanka Cardif.
Ugu horen Wasiirka Madaxtooyadda oo dareenkiisa cabirayaa wuxuu yidhi “Aqoonsigan uu golaha deegaan Cardif, aqoonsaday Somaliland, waxaan u malaynayaa inay Somaliland albaab wayn u furayso,”Ayuu yidhi Wasiir Xirsi wuxuuna hadalkiisii sii raaciyay “Waxaan u arkayaa in qadiyadda Somaliland iftiin wayn u soo jeedinayso, oo bulshadda caalamka iyo duni ay ka war helayaan oo muujinaya waddada yar ayaa wadada wayn kugu rida, marka waxaan u arkaya waddada yar oo waddada wayn kugu rida, marka aad iyo aad ayaanu u qiimaynaa una soo dhawaynaynaa uguna han waynnahay ictiraafka Somaliland, oo daaqad kasta oo ka bidhaamo waanu u tagaynaa waanan isbarbar taagaynaa.”
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda oo wax laga waydiiyay su’aal ku saabsanayd in kaalintii xukuumadu dhimantahay ayaa ku jawaabay “Mayee aad iyo aad ayuu dadaalka dawladnimaduna ugu jiraa, waanu la shaqayna dadka reer Cardif iyo dadka reer Somaliland ee meelkasta jooggaa, waana shaqo loo wadda dhan yahay oo qofkasta oo reer Somaliland ahi.Laakiin dawlada Somaliland xubin balaadhan ayay ka ahayd oo waanu la soconay waanan la shaqaynay.”Ayuu yidhi Wasiir Biixi wuxuuna hadalkiisii ku sii ladhay “Arinta aqoonsigu maaha arrin uun ku kooban Cardif, ee arrin xukuumadda maanta jirta iyo shacabka reer Somaliland ka Midaysan yihiin.”
Dhinaca kale Gudoomiye Baashe Maxamed Faarax ayaa dhankiisa ugu baaqay shacabka Somaliland inay ka midaysnaadan sidii aqoonsi loogu heli lahaa Jamhuuriyadda Somaliland“Waajib bay ku tahay qofkasta oo Somaliland u dhashay meelkasta oo u jooga inuu isagu ka yahay safar oo aanu cid kale ku halaynin, waqti kastana waa la daba soconayaa ilaa inta guusha laga gaadhayo, oo dawladu dadkay isku soo dhawaysaa, laakiin ilaa inta ay boqol sanno ka qaadanayso in meelkasta iyo dhinac kaste laga soo saaro ictiraafka Somaliland.”Ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax