|

Somaliland oo ka Digtay Ujeeddada Safar uu Madaxweyne Farmaajo Garoowe ku tagayo & Farogelin ay ka Cabatay DAAWO

Hargeysa 16. July 2017 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland, ayaa Safar la filayo in Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ku yimaadda Caasimadda Maamulka Puntlad ee Garoowe uu qayb ka yahay Faro-gelin ay ku eedaysay inay Dawladda Federaalka iyo Maamulka Puntland ku hayaan Dadka Somaliland iyo deegaannada Bariga gobollada Sanaag, Sool iyo Buuhoodle oo ay Ciidammo Federaal ah oo Muqdisho la geeyo ka qoranayaan, sida ay Xukuumaddu ku doodday.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Maxamuud Axmed Nuur oo Warbaahinta qaar kukla hadlay Hargeysa, ayaa sheegay inaanay Somaliland aqbali doonin faro-gelinta ay Soomaaliya ka waddo dhulkeeda, isla markaana waxa uu u diray Digniin ah in wixii ka dhasha farogelintaas ay Masuuliyaddooda qaadi doonto Dawladda Federaalka Soomaaliya, Caalamka iyo Dawladaha Jaarkana ay la socodsiinayaan digniintaas, isagoo ku hanjabay in la yaqaanno Ciidanka Somaliland.

 

Haddaba, Hadalka uu jeediyey Wasiir Ku-xigeenku arrimahaas uu farogelinta ugu yeedhay, eedaymaha caddaymaha uu u adeegsaday iyo Digniinta uu diray-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed