Somaliland Oo Joojinaysa Kalluunka Dhinaca Somalia Kasoo Gala Dalkeeda
Hargeysa:Oct,30,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ku hawllan qorshe la doonayo in dalka lagaga mamnuuco kalluunka ka yimaadda dhinaca somalia, maadaama ay dalku yimaaddeen shirkaddo diyaar u ah inay shacabka ka haqab tiraan kalluunka dalka.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda somaliland Cali Jaamac Buureed oo haatan ku sugan Gobollada Saaxil iyo Selel, ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan tallaabooyin lagu joojinayo Kalluunka Somalia ka Yimaadda ee kasoo dega Garoonka Cigaal Intertanional.
Wasiirka oo qaar kamid ah Warbaahinta Khadka Telefoonka kula Hadlay, ayaa sheegay inay dhiirrigelinayaan Kalluumaysatada wadaniga ah, “Socdaalkayga shaqo waxaan ka bilaabay magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil,waxaanan ku darsaynay xaalada guud ee ay ku sugan yihiin Kalluumaysata Waddaniga ah iyo duruufaha ay qabaan taas oo aan ku soo maray Berbera,Bullaxaar,imikana (xalay) aan sii galayo Lughaya,waxaana soo mari doonaa illaa Saylac,ujeedada ugu weynina waxa weeyaan in aan marka hore daraasad buuxda ku samayno kalluunkeena iyo kalluumaysatadeenna iyo duruufaha ku xeeran si markaa wax la iskaga weydiiyo ka dibna looga hawl galo.”ayuu yidhi Wasiir Buureed.
Wasiir Geel jire waxa uu tilmaamay inay jiraan Caqabado haysta kalluumaysatada waddaniga ah ee ay kulamada la yeesheen, kuwaas oo ay ugu weyn tahay dhinaca suuqu, “Waxyaabo farsamo iyo suuq gaynta kalluunkaba ayay ka cabanayaan oo qalab yaraan ayaa jirta khibrad badan oo aan loo lahayn kalluumaysiga ayaa inayana jirta inkasta oo Xukuumad ahaan aanu tababarana u qabanay qalabyo aanu ka qaybinay dhammaan deegaamada xeebaha ee laga kalluumaysto,laakiin waxa taa ka weyn ee ay ka cabanayaan waxaa weeye dhanka suuqa oo ay sheegeen in aanay helin cid ka iibsata marka ay kalluun badan soo saaraan taasna waxaanu wadnaa imika Xukuumad ahaan in aanu ka hawl gallo sidii dadkeenu ay u noqon lahaayeen dad sida ay hilibka u cunaan si la mid ah in ay kalluunkana u cunaan iyo in aanu u raadino suuqyo dibada ah oo Kalluumaysatada Waddaniga ah Kalluun ka iibsada markaa arrimahaasina meel fiican ayay noo marayaan oo imikaba wey jiraan dhaq dhaqaaqyo ganacsi oo aanu ku doonayno in aanu fursado suuq gayn ah in aanu ugu helno kalluumaysatada Waddaniga ah.”ayuu yidhi Cali Jaamac Buureed.
Wasiir Buureed waxa uu si cad u sheegay inay caadooyinka kalluumaysatada somaliland kamid tahay inay xilliyada qaarkood joojiyeen shaqadooda, taasina ay sababtay in ganacsatadu ay kalluunka Somalia keenaan, balse haatan ay xukuumad ahaan joojinayaan Kalluuunkaas laga keenayo dhinaca Somalia.
“Horta wuu jiraa Kalluun laga keeno Soomaaliya oo ay dirsadaan shirkadaha ka ganacsada Kalluunku taana waxaa sababay laba qoddob oo kala ah marka koowaad waxaa jirta in Kalluumaysatadeennu marka uu kalluunku ku badan yahayna ay kalluun badan soo saaraan, marka kalluunku yaraadana ay farahaba ka qaadaan oo uu dhankooda ka kala go’o iyo kalluunkeena Berbera laga keeno iyo ka Xamar laga keenaa marka ay Hargeysa isugu yimaadaan waxa qiimo ahaan jaban ka Xamar arrintaa xalkeedana waxaa laga rabaa Kalluumaysatada Waddanga ah. Annaguna Xukuumad ahaan waxaanu balan-qaadaynaa in aanu joojinayno kalluunka Xamar laga keeno haddii ay kalluumaysatadeenu daboolaan baahida kalluun ee dalku u baahan yahay,waana ayaan darro in inagoo ah dal kalluunka hodan ku ah in Xamar oo aynu ka kalluun wanaagsan nahay kalluun inooga yimaado,marka aan soo noqdo ee aan caasimadda dib ugu laabto, waan joojinayaa kalluunka Soomaaliya laga keeno,kalluumaysatana waxaa laga rabaa in ay daboolaan horta baahida kalluun ee Caasimadda Hargeysa iyo magaalooyinka waaweyn ka dibna looga sii gudbo in ay dibada u diri karaan.”ayuu hadalkiisa kusoo gebogebeeyey.
SDN/QJ