Somaliland oo jawaab ka bixisay hadalo ay Madaxda DKMG ahi ku sheegeen in laga wada hadlayo midawga labada dhinac
Hargeysa, 13, June 2012 (SDN)- Somaliland oo jawaab ka bixisay haddalo ay madaxda DKMG ah ee Soomaaliya ku sheegeen in wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya uu salka ku hayo inay labada dawladood midoobayaan.
Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Cali Yuusuf oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya uu yahay sidii ay labada wadan u noqon lahaayeen labada dal oo jaarnimadoodu wanaagsanaan lahayd, balse aanay meesha oolin inay labada dhinac midoobayaan.
“Masuuliyiinta Soomaaliya waxay sheegeen in wada hadalkani uu midawgii soo celinayo, anaguna waxaanu u sheegaynaa inaanu kala madax banaanayno, markaa aragtida waa lagu kala duwan yahay, madax banaanida Somaliland-na waa mid shacabku uu goostay.”
“Somaliland wada hadalada diyaar ayay u tahay, balse wax tanaasulaad ah oo laga samaynayo madax banaanida Somaliland ma jirto.” ayuu yidhi Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Wakiillada Cali Yuusuf Axmed oo maanta warbaahinta kula hadlayay Hargeysa.
SDN, Hargeisa