|

Somaliland Oo jawaab Ka Bixisay Eedo Puntland Uga Yimi Oo La Xidhiidha Arrimaha Markab Hub Sida Oo Dekedda Berbera Ku Sugan

Hargeysa:Jan,31,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab ka Bixisay Hadal shalay Maamulka Puntland ka sheegeen Markabka ku xidhan Dekedda Berbera oo shixnado hub ahi saaran yihiin, kaas oo maamulkaasi sheegay inay Somaliland si dhuumasho ah ula soo degtay.

cali gadheeWasiir-ku-xigeenka Amniga ee Somaliland Cali Maxamed Cilmi jawaabtaas Bixiyey, ayaa iska fogeeyey inay Somaliland wax lug ah ku leedahay soo deketaanka Hubkaas, waxana uu tilmaamay in Hubkaasi ahaa mid si dhuumasho ah Markabkaas u saarnaa oo la ogaaday, isagoo Iska leexiyey Eedo Puntland kaga yimi oo sheegayey inuu  jiro xidhiidh dhaw oo somaliland iyo Al-shabaab u dhexeeyaa,

“Indhihii Caafimaad qaba iyo caqligii saliim ahiba waa arki karaa in qofku waxa uu qarsanayo aanu sheegayn, sidaas darteed  Hubkani waa hub sharcidarro ah gacantana waa ku haynaa, wax shabaab la yidhaahdo oo Somaliland ay shaqo ku leedahayna ma jirto, waayo somaliland waa cidda  ugu badan ee Shabaabka kala dagaallanta inaanay dalkeeda waxba ka samaynin, meesha ay wax ka wadaana waa Puntland.” Ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka oo Hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday inay Ha’yada Dabagalka Hubka Gobolka u qaabilsan ku casuumeen Somaliland, isla-markaana ay sugayaan inay dhawaan soo gaadhaan Berbera, waxana uu yidhi,

“Wali nooma iman Hay’adaha Dagagalka Hubku, laakiin waa cidda aanu sugayno oo xaqaa’iqa ay Gudbiyaan  oo ay arkaan iyaga iyo ciddii la mid ah ee la dagaallanka Hubka ku shaqada leh.”

Ugu Dambayn Mudane Cali Waxa uu sheegay inaanay Somaliland sii daynaynaynin Markabkaas ilaa iyo inta ay caddaanayso Meesha uu Hubkaas ku sido, balse ma u sheegin inay si gaar ah ula wareegayaan Hubka Markabkaas ku raran oo lagu sheegay inuu yahay mid aad u culus.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed