|

Somaliland Oo Jawaab Adag Ka Bixisay Wada-hadallo Hoose Oo Madaxweyne Xasan Sheekh Hore u Sheegay Inay Labada Dhinac u socdaan

Hargeysa:May,06,2015(SDN/QJ)-Dawladda Somaliland, ayaa Jawaab ka bixisay Hadallo dhawaan kasoo yeedhay Madaxweynaha Somalia oo Salka ku hayey inay jiraan Wada-hadallo hoose oo labada dhinac u socdaa, waxana ay beenisay  jiritaanka Wada-hadalladaas.

maxamed biixiWasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo Wargeyska Himilo  khadka telefoonka kula xidhiidhay isagoo ku sugan magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, isla markaana wax ka weydiiyey jiritaanka in wadahadalku si hoose ugu socdo Somaliland iyo Soomaaliya sida uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa shaaca ka qaaday inaanay jirin haba-yaraatee wax wada-xaajood ah, oo sare iyo hoos toona ugu socda wakhtigan oo u dhexeeya Soomaaliya, waxaanu yidhi; “Ma jiro wax wadahadal muuqda ama qarsoon oo xilligan aannu la wadaagno Soomaaliya, mawqifkii hore aannu u qaadannay waxba iskama beddelin.”

Wasiir Biixi oo la weydiiyey sida uu u arko fikrado Madaxweynaha Soomaaliya ku sheegay inay ku salaysnaadaan wadahadallada u dhexeeya Somaliland oo laba maamul loo wada hadlo ama laba qabiil, waxa uu ku dooday inaanay dhici doonin taasi, waxaanu yidhi; “Annagu qabiil ula kulmi mayno iyo haddii dad reer Somaliland ka soo jeeda ku jiraan, mana yeelan doonno wada-xaajood dambe illaa laga helayo waddamo caalamka ah oo markhaati ka noqda.”

Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi, ayaa meesha ka saaray shaki bulshada Somaliland intooda badani ka qaadeen hadalka Madaxweynaha Soomaliya Mr. Xassan Sheekh ku sheegay inay jiraan wada-xaajood hoose oo u socda Somaliland, sidoo kalena geed dheer ku laallay wada-xaajood dambe oo labada dhinac mustaqbalka yeeshaan, maaddaama shuruud adag oo aqbalaaddeedu aanay ka suurtoobayn Soomaaliya Xukuumadda Somaliland ku xidhay.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somaliasporanews.com

 

Comments are closed