|

Somaliland oo il Gaara ku Eegeysa Dalabka Dawlada Soomaaliya ee ku Wejahan Cunaqabateynta ka saaran Hubka.

Hargeysa Feb 18,2013(SDN)-Dawlada Somaliland ayaa sheegtay in ay si gaara u eegeyso dalab iyo dedaalo ay wado Dawlada Soomaaliya oo ay ku dooneyso in looga qaado cunaqabateynta Hubka ee dalkaasi saaraa mudada dheer.

Sidaa waxa warsidaha Horn Tribune u sheegay wasiirka Difaaca ee Somaliland Md Axmed Xaaji Cali Cadami.

Wasiir Cadam waxa uu sheegay in Somaliland ay la socoto doodaha ku xeeran cunaqabateynta oo Soomaaliya laga qaado si kolkaa ay Xukuumadoodu u qaado Tilaabo ku Haboon.

“Hadii lagu guuleysto hindisaha Mareykanku u soo jeediyay Qaramada Midoobey ee lagu dalbanayo in Soomaaliya looga qaado Cunaqabateyna,Somaliland waxa ay bixin doontaa jawaab ku haboon tilaabadaa,bacdamaa ay Hubeynta Muqdisho khatar ku tahay amaankeena”ayuu yiri Cadami.

Dawlada Soomaaliya ayaa in dhawaalaba wadey dedaalo ay dooneyso in looga qaado cunaqabateynta Hubka si markaa ay ula dagaalanto kooxda Al Shabaab,sida ay Golaha Amaanka ka hor sheegtay wasiirka arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Fawsiya Xaaji Aadan.

Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki Moon ayaa sheegay in cunaqabateynta hubka oo laga qaadaa Soomaaliya aaney iminka aheyn mid suurto gal ah,bacdamaa aan la hubin kareyn halka hubkaasi ku danbeyn doono.

Soomaaliya ayaa haatan hub uga yimaadaa dalal ay Iran,Eritrea iyo Yemen ka mid yihiin sida lagu xusay warbixino kala danbeeyay oo ay QM soo saartay.

SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed