Somaliland oo Gawaari iyo hub ka iibsatay ciidamada Medeniga
Ceerigaabo (QJ) – Xukuumadda Somaliland ayaa soo iibsatay gaadiidkii iyo hubkii ay hore u lahaayeen maleeshiyaadka deegaanka ee fadhigoodu yahay gobolka Sanaag. Taas bedelkeeda, maleeshiyaadka ayaa loo diray tababar ciidan.
Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Yuusuf Cali ayaa sheegay in goobihii ay horay ugu sugnaayeen maleeshiyo beeleedyo lagu wareejiyay ciidamo milateri ah oo ku qalabeysan gaadiidkii ay ka qaateen maleeshiyaadka deegaanka, kuwaasi oo lagu xardhay astaanta qaranka.
“Meeshii la dhigay 200 oo qof, 400 ayaa la geeyay, waxaa lagu qalabeeyay gaadiidkii ay wateen iyo kuwii lagala wareegay maleeshiyada deegaanka, gaari walba waxaa lagu rinjiyeeyay calanka dalka, waxaana lagu soo celiyay halkii uu markii hore ka yimid.” Ayuu yiri Wasiir Cali.
Maleeshiyada isku dhafka ah ayaa loo diray xarumaha tababarka, halkaasoo ay ku qaadan doonaan tababar ciidan, waxaana lagu biirin doonaa qeybaha kala duwan ee ciidamada.
Dowladda ayaa la sheegay inay beelahaasi u celisay gaadiidkii iyo hubkii ay ku wareejisay, iyadoo la sheegay in ciidanku hadda si buuxda u haystaan agabkii ay hore u haysan jireen.
Talaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu xasiliyo gobolada bariga Somaliland, hubka laga dhigo shacabka, isla markaana nabad kuwada noolaashaha bulshada deegaanadaasi ku dhaqan sida ay xukuumadu sheegtay.
Wasiirka Gaashaandhiga ayaa intaa ku daray in ay tagi doonaan gobolada kale oo ay wali ka jiraan dhaq dhaqaaqyo ay wadaan maleeshiyooyinka deegaanka si loo dhameystiro howlaha isku dhafka ah.