|

Somaliland oo dooneysa in loo soo celiyo maxaabiistii Laascaanood looga qabtay

Hargeysa July 26, 2024(QJ)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay diyaar u tahay wada-xaajood ku saabsan maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Laascaanood.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, oo la hadlay BBC Somali, ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay inay wada hadal ka gasho maxaabiista.

Waxa uu tilmaamay in iyadoo wada-hadallada u dhexeeya dhinacyadu ay weli yihiin kuwo aan dhameystirnayn, sidaas darteedna aan la cayimin waqti rasmi ah oo lagu xallinayo arrinta maxaabiista.

Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa maxaabiis ku qab-qabtay dagaaladii Laascaanood ka dhacay, iyadoo dhinacyadu aanay weli heshiis ka gaadhin sidii ay u kala qaadan lahaayeen.

 

Comments are closed