|

Somaliland Oo Dacwad U Gudbisay Dalalka Jabuuti Iyo Itoobiya

Hargaysa  23. November 2016 (SDN/QJ):-Xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horeysay shaacisay in ay dacwado la xidhiidha diyaarado sifo sharci daro kusoo galay xuduudka Somaliland u Gudbisay Dawladaha Jabuuti iyo Itoobiya.

Wasiirro xukuumadda ka tirsan oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay diyaaradahaasi Sifo sharci daro kusoo galaan xuduudka Somaliland islamarkaana ay kala hadleen dawladda Jabuuti iyo Itoobiya si loo ogaado cida iska masuuliyada Diyaaradahan.

Wasiir dawladaha arrimaha dibada Maxamed Mixile Boqore waxaa uu sheegay inay baadhis ku socoto diyaaradaas duqeynta ka Gaysatay Gobolka Daad-madheedh.

“Qoraalo ayaanu u qornay Dalalka Jabuuti iyo Itoobiya baadhitaanbaa socda, Jabuuti ayaa aad uga hawl galey”ayuu yidhi Mixile Boqore waxaanu intaas ku daray oo uu yidhi “Safiirka Somaliland u jooga dalka Jabuuti isaguna dhankiisa dedaal xoogga ayuu ka galey sidii uu u xaqiijin lahaa diyaaradani waxaa ay tahay, iyo dhanka Itoobiyaba waxaananu caalamka ka codsaneynaa oo aanu leenahay waa inaan lagu xadgudbin xuduudayada, oo la ilaaliyo.”

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaarada duulista iyo gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Heybe,  ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan diyaarado soo caga dhigtey deegaano ka tirsan Somaliland.

“Diyaarado kusoo xad gudbay hawadeena una eeg diyaarado dagaal oo aanu xogtooda ka helayno Oodwayne iyo Bariisle oo Saylac ah, diyaaradahaa xogtooda waanu heynaa, waanay dhacdaa aduunkoo dhan oo duuliyayaashu waa ay qaldami karaan ama qaar shacab ha noqdeen amase qaar dawladeed ha noqdaane, hase ahaate waa inta badan wixii xoga waanala soo siiyaa oo waa dawladaha aanu jaarka nahay, iyo kuwa kale ee aanu wada shaqeynta leenahay oo waanu ka wada soconaa”ayuu yidhi wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland.

Diyaarado dagaal ayaa Toddobaadadii u dambeeyay lagu arkay deegaano ka tirsan Gobolada Daadmadheedh iyo Saylac kuwaasi oo cabsi ku abuuray dadkii ku noolaa deegaanadaas.

Comments are closed