|

Somaliland oo Cadaysay in Manhaj aan ka ahayn ka Somaliland inaan lagu dhigi karin Dugsiyada,Digniina u dirtay Jaamacadaha

Hargaysa 05.Aug 2014 (SDN/QJ)- Xukuumadda Somaliland, ayaa Shaaca ka qaadday inaanay aqbali doonin, isla markaana aanay dalka ka jiri doonin Manaahij kala duwan oo ay isticmaalaan Dugsiyada Waxbarashada gaarka loo leeyahay wixii ka dambeeya marka ay dhammaystiraan dib-u-haybayn iyo dib-u-eegis lagu wado Manhanka loogu talo-galay in si isku mid ah loogu dhigo goobaha Waxbarashada dalka. Sidoo kale, waxay Sheegtay inaanay dalka ka jiri doonin Jaamacad aan ka turjumaynin Baahida Waxbarasho ee ay dadka iyo dalku u baahan yihiin.

Wasiirul-dawlaha-waxbarashada-SomalilandWasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Axmed Nuur Faahiye, ayaa sheegay inay wadaan dib-u-habayn ay tan iyo dabayaaqadii sannadkii hore ku wadeen Manhajka Waxbarashada dalka, isla markaana marka ay dhammaystiraan si dhaqso loo midayn doono Manaahijta waxbarasho oo aan markaas ka dib dalka laga oggolaan doonin ciddii la timaadda wax sharciga ka baxsan.

“Waxa weeye dal walba Jaamacadihiisu waxay u furan yihiin oo ay waxbarashadoodu ku salaysan tahay wax soo-saarka dalkooda. Waxa uu Madaxweynuhu sameeyey Komishanka Tacliinta sare, Komishanka Tacliinta Sare ee Somaliland sababaha loo abuuray waxa weeye inay marka ugu horreysa eegaan Tayada Jaamacadaha. Jaamacadda aan buuxin Shuruudaha laga doonayo Albaabbadaa loo xidhayaa, waana laga mabnuucayaa inay meel dalka ka mid ah ka furanto. Waxa kale oo uu Komishanka Tacliintu u xil-saaran yahay in Jaamacadda la furayo oo ku saleeyo wax-soo-saarka dalka.” Sidaa ayuu yidhi Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Axmed Nuur Faahiye oo shalay Xafiiskiisa ugu warramay Weriyeyaal ka kala socday Wargeyska Himilo iyo Telefeshinka Qaranka Somaliland, isla markaana ka jawaabayey su’aal uu weydiiyey Weriye Himilo ka tirsani.

Waxaanu Wasiiru-dawlaha Waxbarashada Somaliland oo jawaabta su’aashaas uu ka bixiyey sii wataa intaas ku daray oo uu yidh; “Waxa loo baahan yahay, Tusaale ahaan, Xoolo ayaynu dhaqannaa, Xooleheenna waa in waxbarashadii lagu saleeyo oo aqoon loo yeeshaa oo ay dad aqoon u leh Xoolaha Jaamacaduhu soo saaraan. Caafimaadku waa waxyaabaha salka u ah nolosha. Beeraha waa in lagu dhiirrigeliyo in dalka wax laga soo saaro. Maanta waxaad arkaysaa Tamaandhada aynu cunno waxa laga keenaa Itoobiya, may ahayn in laga keeno Itoobiyo ee inaynu Beeranno ayay ahayd.”

“Kalluunka Ninbaa shalay (Dorraad) wuxu nooga sheekaynayey Kalluunka aynu ku cunno Hargeysa iyo Burco Xamar baa laga keenaa iyo Yemen, waa nasiib-darro in Kalluun la innooga keeno Yemen iyo Xamar. Waxa weeye inaynu ama innagu barannaa ama aynu si dhaqan ahaan oo kale tabobbar u qaata sida Callaafsiga oo Kalluunka la soo bixi kara oo Beeraha Beeran kara oo aynu noqonno dad wax la soo bixi kara ama waa inay aqooni timaaddaa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland.

“Anigu Shaqsiyan waxaan taageersanahay ama raacsanahay ama aan doonayaa oo aannu doonaynaa inaannu ka shaqayno Jaamacadeheenna inay ku salaysnaadaan oo bayskoodu noqdo waxa dalkeenna ka shaqeeya ee looga baahan yahay ee ay ka  midka yihiin aqoonta Xoolaha, Caafimaadka iyo Beeraha in la tayeeyo. Waxa kale oo aannu doonaynaa Jaamacadaha inaannu Shuruud uga dhigno, Tusaale ahaan markaad Jaamacadaha Qurbaha (dalalka dibedda) tegto meesha ugu horreysa ee aad gelayso ama aad bilaabaysaa waxa weeye waxa Jaamacadda ka furan wax la yidhaahdo (Cummunity College) qayb Xirfad ah oo Jaamacadda ka dhex furan oo adigoo Jaamacadda dhiganaya afar sano ayaad taa baranaysaa oo ah waxaad ku shaqo tegi karto adigoo Jaamacaddaada sii wata, kii doonayaana uu kuba shaqa-tegi karo oo wuxu doono qaban karaa.” Sidaa ayuu yidhi Axmed Nuur Faahiye.

Waxaanu Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland intaas ku sii daray oo uu yidhi; “Markaa, taas inaannu Jaamaacadaha Shuruud uga dhigno ayaannu doonaynaa oo nidhaahnaa Jaamacaduhu waa inay dhigaan aqoonta dadka iyo dalku doonayo ee loo baahan yahay waa inay ku shaqeeyaan. Jaamacadaha laftooda waxaannu doonaynaa inaannu ku samayno xaddidaad, Jaamacad in la iska furo oo qof waliba Jaamacad laga furo guri lix Makhsin ah oo uu qofku yidhaahdo lacag ayuun baan doonayaa, dabadeetana IT iyo Business, xataa dhalinyaradii aannu kula kulannay Nairobi ee reer Somaliland waxay yidhaahdeen waxaannu halkaas (dalka) ku baranaynay iyo waxaannu halkan (Nairobi) ugu nimi waa kala laba, waxaannu halkan ugu nimi bay yidhaahdeen Aqoon ballaadhan oo aannu ka dabbaalan kari waynay, halkana (Somaliland) waxa lagu bartaa waa IT iyo Business, Ganacsiga cid waliba waa wadi kartaa Dukaan yar.”

“Markaa, Jaamacadaha Xaddidaad baannu ku samaynaynaynaa, waxaanannu kobcin doonnaa haddii Illaahay yidhaahdo Waxbarashada Xirfadaha kala duwan, oo ah halkii ay dadka iyo dalkuba ka helayeen dhaqaalaha ee ay dawladdu Cashuurta ka helaysay, waayo? Toddoba kun oo Arday baa sannadkan ka baxay Dugsiyada sare, toddobadaa kun ee Arday ee Dugsiyada sare ka baxday inta Jaamacadaha Nasiibka u hesha mooyaane intii kale oo ah inta badan halkay tegayaan? Waa in meel kale loo helaa oo Xirfado ay ku shaqo-tagaan la baro, jahayn bay u baahan yihiin. Waxaannu u jahayn doonnaa haddii Illaahay yidhaahdo Insha Allaah waxaannu u abuuri doonnaa oo u furi doonnaa Kulliyado lagu barto Xirfado kala duwan oo xataa ay dadka waawayni ka faa’iidaysan karaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Axmed Nuur Faahiye.

Wasiiru-dawlaha Waxbarashada oo wax laga weydiiyey inay jirto wax siyaasad cad ah oo ay Wasaarad ahaan ka leeyihiin dhinaca Midaynta Manaahinta Waxbarasho ee ay isticmaalaan Dugsiyada tirada badan ee gaarka loo leeyahay ee dalka ka jira, waxa uu ku jawaabay; “Haddaan kaaga warramo taa Manhajka waxa jira oo aannu tan iyo dabayaaqada sannadkii hore wadnay dib-u-eegis baannu ku wadnay Manhajka, waanu socdaa, qolo la yidhaahdo (Hay’ad) African Education Trast ayaa naga caawinaysa, dad baannu u yeedhannay Aqoon leh oo naga caawinaya oo aannu Adduunka uga yeedhannay.”

“Dib u habayn baannu ku samaynaynaa Manhajka Waxbarashada, dalkana Manhaj aan kaa Somaliland ahayn oo ka shaqayn doonaa ma jiri doono, ama ha sheegtaan Iskuullo gaar loo leeyahay ama kuwo la wada leeyahay ha sheegteene Manhajkaas ayuun baa ka shaqayn doona markay dib u habayntaasi noo dhammaato, cid kale oo la iman doonta waxaan waafaqsanayn Sharciyadda ma jiri doonto.” Sidaa ayuu yidhi Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Axmed Nuur Faahiye.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed