Somaliland Oo Afar Cisho Kadib War Kasoo Saartay Qaraxyadii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
Hargeysa:Feb,24,2015 (SDN/QJ)-Xukuumadda Somaliland, ayaa Afar Cisho kadib ka Hadashay Qaraxii khasaaraha Badan geystay eek a dhacay Hutel Central ee Magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku dhinteen dad tiro badan oo siyaasiyiin u badnaa.
Somaliland, ayaa Jawaabteeda la maqnayd muddo dheer, waxana ay markii ugu horraysay muujisay sida ay uga xuntahay dhimashada soo gaadhay Dadkii qaraxaas ku waxyeeloobay iyo kuwii ku dhintayba.
qoraal kooban oo caawa lagu baahiyey bogga Wasaaradda Arrimaha dibaddu ku leedahay shabakadda xidhiidhka bulshada ee Facebook ayaa lagu sheegay in weerarkaasi oo khasaare badan dhalliyey uu shacabka reer Somaliland ka naxay, sidaa daraadeedna dawladda Somaliland Tacsi u dirayso qoysaskii dadkii ku dhintay weerarkaasi isla-markaana waxa caafimaad loogu rajeeyay kuwo ku dhaawacmay.
Qoraalka Tacsida ah ee wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland kaga hadashay weerarkaasi oo masuuliyaddiisa Al-shabaab sheegatay ayaa u dhignaa sidan “Dadka Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka argagaxeen kana murugoodeen maqalka weerarkii Lagu qaadey Huteelka Central iyadoo Salaaddii Jimcaha lagu jiro”
Wasaaradda Arrimaha dibadda oo sii hadleysa ayaa sheegtay “Waxaanu Tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaska iyo saaxiibada dadkii ku dhintay weerarkaasi, waxaanuna caafimaad u rajeynaynaa oo aanu ducaynaynaa kuwa ku dhaawacmay”ayuu yidhi.
Qaraxyo tiro badan oo kala dambeeyey ayaa hore uga dhacay Goobo badan oo ku yaalla Gudaha somaliland, kuwaas oo aanay abid somaliland wax jawaab ah ka bixin, bal hadda waa markii ugu horraysay ee ay muujiyaan Dareenkooda la xidhiidha Qaraxaas, waxana dad badani isweydiinayaan sababta keentay inay Haatan jawaab Habsaantay Bixiyaan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com