Somaliland oo Abaaro ba’ani ay ka jiraan iyo nolosha kumanaan ruux oo khatari ay soo wejahday
Boorama July 14,2012(SDN)-Degaanada Galbeedka ee Somaliland ayaa waxa soo wejahay abaaro khatar ku ah nolosha dadka degaanka oo Roobab aan helin afartii sano ee ina dhaafay,sidaa waxa saxaafada u sheegay madaxa ha’yada maareynta aafooyinka.
Dadka ku nool degaanada ku teedsan xeebaha iyo Galbeedka ayaa abaarahani ay si gaara u saameeyeen.
“Waxaanu beesha calamka ka codsaneynaa in ay gargaar la soo gaadho dadka abaarahani ay noloshooda khatarta gelisay”ayuu yidhi Madaxa ha’yada maareynata abaaraha Maxamed Muse Cawaale.
Gobolka Selal ee xaruntiisu tahay Saylac ayaa waxa si gaara looga dareemaya saameynta ay abaaruhu ku yeesheen gobolkaasi.
“Dadkii miyiga iyo tuulooyinka ku noolaa waxa ay ku soo urureen magaalooyinka ka dib kolkii ay xoolohoodii ay abaaruhu laayeen”sidaa waxa yidhi Sacad Axmed Cabdilaahi oo ah xildhibaan ka tirsan golaha degaanka Saylac.
Abaarahan ayaa sababy nafaqo xumo leysay dad badan oo u dhintay sababo la xidhiidha cuduro inta badan aaney dadku u dhiman.
Waxa haatan gargaar degdega u baahan ilaa 120 kun oo ruux oo ku kala nool degaano u badan Galbeedka dalka.
SDN-Boorama
contact@somalidiasporanews.com