|

Saxaafadda Somaliland Oo Maanta si Weyn u Tebtay Marxuum Halyey Maxamed-rashiid Iyo SOLJADA Cusub Oo Qiimo-tirtay Xuska Maalinta Saxaafadda Addunka

Hargeysa:May,03,2015(SDN/QJ)-Inkastoo ay Maanta ku beegan tahay Maalinta caalamiga ah ee dunida looga asteeyey Maalinta Saxaafadda Adduunka, haddana Somaliland wax xus ahi kama jiro, lagama dareemayo in lagu jiro dharaar ay si gaar ah iskaga leeyihiin Warbaahinta Caalamku.

rahCabudhinta iyo cago-juglaynta xukuumadda Talada Haysaa ku hayso warbaahinta madaxa Bannaan iyo Xorriyatul qowlka, ayaa waxa soo raacay Hoggaan  aaminsan Aragtida xukuumaddan Haatan jirta oo majaraha u qabtay Ururkii SOLJA ee Saxaafadda Somaliland wakiilka ka ahaa, kaas oo dhaqdhaqaaqyadiisii ugu horreeyey ku bilaabay faaf-reebid uu ku sameeyo warbaahinta qaarkeed.

Maanta  waxa qof kasta oo saxafi ah, isla-markaana kasoo jeeda Somaliland uu xasuusanayaa xusaskii  indhaha bulshada caalamka soo jiidan jirey ee maalinta oo kale ay samayn jireen Hoggaankii hore ee Ururka SOLJA oo uu hormood u ahaan jirey allah ha u naxariistee Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo  geeridiisa dabadeed dib loo arag dhiirranaantii iyo doodihii adkaa ee Saxaafaddu ka geli jirtey tacaddiyada xukuumaddan Kulmiye calanka u siddo ee saxaafadda ka dhanka ah.

Sanadkii hore maanta oo kale waxa hoggaankii SOLJA ee wakhtigaas oo uu hoggaaminayey Marxuum Maxamed-rashiish Muxumed Faarax ay sameeyeen xus dhawaqiisu meel dheer gaadhay oo lagu muujinayo tacaddiyada jira iyo sida loogu xad-gudbay xaqii saxaafaddu u lahayd inay baahiso xaqiiqada jirta, waxana Dood adag ay maalintaas ka galeen Xarumaha Warbaahinteed ee muddada dheer loo dhalan rogay xeryaha ciidamada, isla-markaana ay haatan hoggaanka SOLJA dugsanayaan ee aanay waxba ka qabanin.

Hoggaanka cusub ee maanta jira oo maanka ku haya tacaddiyada jira ayaa dano gaar u ah oo markii horeba meesha loo keenay darteed afka uga xidhay inay ka Hadlay Xarumaha warbaahineed sida Haatuf iyo Hubaal ee Qufuladu ku jabsan yihiin, waxana tacaddi kasta oo intii ay hogaanka hayeen dhaca ay kaga jawaabaan qoraal luuqad jilicsan ku qoran oo ay xukuumad dhegaheedu awdmeen hawada u mariyaan.

Maanta oo dunida laga xusayo maalinta Saxaafadda, Hoggaanka cusub ee SOLJA waxa ay soo saareen qoraal kooban oo hambalyo ah, kumana ay soo hadal qaadin dhibaatooyinka warbaahinta dalka lagu hayo, waxana ay muujiyeen jawi aan jirin oo ah in ixtiraamka xorriyatul qowlku uu  ka jiro Gudaha Somaliland.

Geerida Marxuum Maxamed-rashiid oo ahaa Halyey taariikhda Halganka Xorriyatul-qawlka Somaliland ku suntan, ayaa Maanta si weyn loo dareemayaa, waxana la arkaa inay meeshii uu banneeyey si weyn u bannaan tahay una baahan tahay ciddii buuxin lahayd.

Niyadda saxaafadda dalka ayaa ah mid aad usii xumaanaysa, waxana rajo beel laga yahay in la helo hoggaan awood u leh inuu saxaafadda ka xorreeyo tacaddiyada badheedhka ah ee lagu hadidayo mihnadooda iyo waajibaadkooda ay gudanayaan.

Somaliland maanta wax xus ahi kama dhicin, waxase rajo laga qabaa in nabsi raagay  mar uun keeno Hoggaan firfircoon oo karti iyo aqoon u leh inay badbaadiyaan Mustaqbalka saxaafadda iyo abuurista jawigii xukuumadda la isku fahmi lahaa.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Somalidiasporanews.com

Comments are closed