|

“Somaliland ogolaan mayso in xuduudaheeda laga soo talaabo gar-darrana lagu sameeyo” Wasiirka Arrimaha Dibada

Hargaysa 24.March 2014 (SDN)- Xukuumadda Somaliland,ayaa sheegtay in Xidhiidh wanaagsani uu ka dhexeeyo Dawladda Soomaaliya isla markaana ay dhankooda ku dedaalayaan si wanaajinta xidhiidhka Muqdishi iyo Hargeysa,hala ay diiin adag mar kale u dirtay Maamul goboleedka Puntland.

Wasiirka arrimaha dibada golahaWasiirka Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo maanta waraysi siiyay TV-ga Qaranka,ayaa waxaa kaloo uu  ka hadlay safarkii uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland uu ku soo maray gobolada Bariga iyo Galbeedka Somaliland oo uu ku sifeeyay inuu ahaa socdaal Madaxweynuhu ugu kuur galayay xaalada nololeed dad iyo duunyo ee deegaannada uu tegay.

Ugu horrayn Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo ka hadlayay socdaalka Madaxweyne Siilaanyo,ayaa yidhi.

“Safarkii Madaxwaynaha somaliland waxa uu ahaa safar aad u wanaagsan oo loogu kuur galayey Xaaladaha Kala duwan ee ay Ku Sugan yihiin  deegaanada uu tegay waxaana halkaas nooga muuqatay nabada somaliland ka tis qaaday safarkaasina waxa uu soo jiitay indha caalamka.”

Waxaa kaloo uu Wasiir Maxamed Biixi ka hadlay dhaq dhaqaaq Millatari oo  maalmihii ugu dambeeyay ka dhex jiray Somaliland iyo Puntland,waxaanu yidhi.

“Putland waxaay ka mid tahay Maamulka Soomaaliya,  waxaanu   nahayna laba dal oo jaar ah,Putland-na way ogsoontahay caalamkuna waa ogsoonyaha xuduudda Putland halka ay ku taalo xaqna uma laha in ay ka hadlaan Putland markaanu tagno magaalooyinkayag, waanan tagaynaa Somaliland ogolaan mayso in xuduudaheeda  laga soo talaabo gar-darrana lagu sameeyo ,anaguna nabada ayaanu jecel nahay wanaag ayaanu jecel nahay.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biix Yoonis waxaa kaloo uu caddeeyay inaanay jirin wax dhibaato ah oo u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Somaliland.

“Somaliland iyo Qaramada midoobay wax dhibaato ah oo dhex yallaa ma jiraan Somaliland sidaad la socotana waa Waddan xor ah oo saxaafadiisu ay tahay mid aan la cur duduubin wax khilaafina nama dhexe yaliin.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay.

“Madaxwaynahu waxa uu u magacaabay afar Wasiir oo aan anigu guddoomiye u ahay markaas cilaqaadka somaliland iyo dalka soomaaliya aad iyo aad ayuu u wanaagsanyahay, waliba waxaanu rabnaa inaanu intaas kasii xoojino madaamo oo aanu nahay laba dal oo  jaar ah.”

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed