|

SOMALILAND: Masuuliyiintii Ugu Tirada Badnaa Oo Goordhaweyd Xilalka Iska Casilay.

Hargeysa,26Oct,2015(QJ/SDN)-Wasiirada wasaaradaha arimaha dibad, madaxtooyada iyo afhayeenka madaxtooyada somaliland ayaa iska casilay xilkii ay u hayeen qaranka.

Sidaasna waxa warbaahinta u xaqiijiyay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, waxa uu sidoo kale sheegay inay  madaxweynaha somaliland u gudbiyeen is casilaadooda, waxaanu sheegay inay ka tageen xilkii ay qarankan u hayeen.

Wasiirka madaxtooyadu waxa uu sheegay inay is casilaada kula socdaan wasiirka arimaha dibada somaliland Maxamed Biixi Yoonis, kaas oo uu sheegay inuu madaxweynaha somaliland u gudbiyey iscasilaadiisa.

Sidoo kale wasiirka madaxtooyadda ayaa qoraal uu soo saaray ku yidhi “Xilka ayey xeerkiisa tahay in aad si xilkasnimo leh u gudato waajibaadkiisa una hagar baxdo u adeegida danaha qaranka. Waxaan ku qancay in aan si rasmi ah isaga casilo shaqadii aan qaranka u hayey ee Wasaarada Madaxtooyada JSL muddadii shanta sano iyo dheeraadka ahayd. Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha JSL, hogaanka Xisbiga Kulmiye, hawladeenada Wasaarada Madaxtooyada iyo guud ahaanba cid kasta oo aan soo wada shaqaynay mudadii aan xilka hayey.”

Sidoo kale wararka ay helayso shabakada Qurbejoog.Com ayaa sheegaya inay is casileen wasiirkii wasaarada cadaalada Xuseen Axmed Caydiid, wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada Cabdi Aw Daahir, wasiirka ku xigeenka dib u dejinta Nimco Xuseen Qawdhan, Nuur iyo afhayeenka madaxtooyada somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul.

Iscasilaadda xubnahan, ayaa ka dambaysay Amar madaxweyne Siilaanyo habeenkii xalay siiyey xubno golihiisa wasiirrada ah, kuwaas oo uu faray inay taageerada muuse biixi laabta ku qaataan, isla-markaana aanu oggolayn in cid kale kula tartanto xisbiga Kulmiye dhexdiisa.

Xubno kale oo horleh ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda iska casilaan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo saluugsan sida uu madaxweynuhu u wado arrimaha xisbiga iyo tartanka madaxtinimadaba.

 

Wixii warar Ah Ee Kasoo Kordha Arrintaasi Isha Ku Hay Qurbejoog.Com

 

Comments are closed