“Somaliland & Maraykanku Maaddaama Ay Wadaagaan Danaha Ammaanka, Waa Inaan Muwaadiniintayada Lagu Dabaqin Siyaasadaha Socdaal Ee Soomaaliya..” Wasiir Sacad Cali Shire
Hargaysa 13. March 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga, ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire ayaa Dawladda Maraykanka u diray qoraal uu kaga hadlay in Somaliland si dhow indhaha ugu hayso amarkii Xukuumadda Maraykanku ugu xanibtay u socdaalida dalkeeda Dalalka ay Soomaaliya ku jirto.
Qoraal Wasiir Dr. Sacad u diray xukuumadda Maraykanka oo lagaga lagaga hadlayey sida Somaliland u aragto amarka xanibaadaha socdaalka Maraykanka ee dib u eegista lagu sameeyey ayaa lagu sheegay inay soo dhoweynayso amarka labaad ee loogu ogolaaday muwaadiniinta reer Somaliland ee hore u haystay deganaanshaha rasmiga ee Maraykanka.
Qoraalka Wasiir Sacad oo Afka Ingiriisiga ku qornaa ayaa u dhignaa sidan:- “Jamhuuriyadda Somaliland waxay si dhow indhaha ugu hayaan amarkii xukuumada Maraykanku ugu xanibtay u socdaalida dalkeeda, laakiin Somaliland waxay u ololaynaysaa sidii muwaadiniinteeda hawlaha shaqo, waxbarasho, dalxiis ugu socda u heli lahaayeen soo-dhoweyn, maaddaama dalkayagu madaxbanaanidiisi dib ugala soo noqday Soomaaliya sannadkii 1991-kii.”
Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire, ayaa qoraalkan ku sheegay inkastoo xukuumada Somaliland hore dareenkeeda amarka xayiraadaha socdaalka ugu gudbisay bishii January 21-keedii, ay soo dhoweynaynaan dib u eegista lagu sameeyey amarka, ee loogu ogolaaday muwaadiniinta reer Somaliland ee hore u haystay deganaanshaha rasmiga ee Maraykanka, ama hore ugu socdaalay inay tegi karaan, “Maaddaama, Somaliland & Maraykanka ay horumariyaan dannaha ay wadaagaan ee ammaanka iyo kuwa dhaqaale, siyaasadaha socdaal ee la xidhiidha Soomaaliy waa inaan lagu dabaqin muwaadiniinta u dhashay Somaliland. Muddada sagaashanka maalmood ee dib u eegista lagu samayn doono amarka xayiraadaha waxay xukuumadda Somaliland u caddaynaysaa Maraykanka saamaynta ay muwaadiniinteeda ku keentay, waxayna ku dedaalaysaa in la helo talaabooyin ay kaga badbaadaan muwaadiniinteenu amarada dambe mustaqbalka.”