|

Somaliland: ‘’Mandaqaddii Baratanka Danaystaha (Itoobiya & Masar)’’ Qurbejoog Staff

Hargeysa (QJ/SDN) – Somaliland oo ah dal hodan ah, kaasi oo leh dhul iyo bad dihin ayaa waxa baratan ugu jira dalal  badan oo caalamka ah, gaar ahaan kuwa qaaradda Madow ee Afrika, inkastoo baratanka dalalkaasi u egyahahay mid dhanka diblumaasiyadda iyo millatiriga u badan haddana waxa inta badan la sheegaa in wufuuda kala geddisan ee Somaliland timaadaa ay yihiin kuwo horumarka iyo dhaqaalaha dalka u socday oo maal-gashi ku sameynaya ilaha dhaqaale ee Somaliland.

baratan

Jamhuuriyaddan curdinka ah oo aan weli itciraaf ka helin caalamka intiisa kale ayaa iyadu si iskeed ah u istaagay taasi oo leh calan, ciid iyo ciidan u gaar ah, walow dalka Soomaaliya oo ay sheegtay in ay ka go’day aanu ogolayn in ay noqoto dal madax-bannaan.

Somaliland waxay leedahay Deked wayn taasi oo ay quud-darraynayaan isticmaalkeeda waddamo badan oo caalamka ah, gaar ahaan Itoobiya oo iyadu aan lahayn bad, sidoo kale waxa jira waddamo dhowr ah oo iyaguna rabay inay sal-dhigyo millatari ka sameystaan xeebaha Somaliland.

Todobaadkan gudihiisa dowladda Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxay magaalada Debre zeit ku kala saxeex deen heshiis laba dhinac ah, kaasi oo la sheegay in dowladda Itoobiya ay isticmaali doonto dekedda wayn ee magaalada Berbera.

Heshiiskan labada dhinac ee kala saxeexdeen (Somaliland iyo Itoobiya) oo ay soo dhaweeyeen ayaa waxa uu u muuqdaa mid ay itoobiya wakhtigan u baahatay balse sida muuqata aan ka turjumayn baahida Somaliland, maadaama dhowr jeer oo horeba ay Itoobiya uga dhago adaygtay isticmaalka dekedda Berbera.

Maareeyaha dekedda Berbera Cali Xoor-Xoor oo heshiiskan dhanka Somaliland u saxeexay ayaa sheegay in uu yahay mid Dalka Somaliland iyo Itoobiya ay faa’ido ugu jirto, walow aanu faahfaahin intaas ka badan bixin.

Shacabka Somaliland ayaa su’aalo badan iska waydiinaya sababta xilligan kusoo beegtay in ay Itoobiya Heshiis kula  gasho Somaliland isticmaalka dekedda Berbera, heshiiskaas oo aan shacbiga wax badan looga faahfaahin, iyadoo su’aalo badan ay dhex wareegayaan shacabka Somaliland.

Dhanka kale, Kaddib markii ay heshiiskaas ay Somaliland la gashay dalka Itoobiya waxa durbadiiba Somaliland soo gaadhay wefti culus oo uu hoggaaminayo safiirka dalka Masar u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, kuwaasi oo la sheegay in ay yihin wefti ganacsi iyo arrimo horumarineed u socda oo maal-gelin ku sameyn doona Somaliland.

Weftigan oo la kulmay madaxweyne Siilaanyo, ayaa ka hor intii aanay madaxweynaha la kulmin waxay booqdeen marsada wayn ee Berbera iyagoo halkaasi indho-indhayn kusoo sameeyay.

Kaddib markii ay la kulmeen madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa saxaafadda la hadlay Safiirka Masar u qaabilsan Soomaaliya iyo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland iyo ka ganacsiga, iyagoona labada masuulba sheegay in weftiga ay madaxweynaha ka wada hadleen sidii dib loogu soo celin lahaa xidhiidhka Masar iyo Somaliland.

Weftiga masaarida ee ku sugan Somaliland ayaa la sheegayaa in ay ku jiraan xubno sar-sare oo ka tirsan millatariga dalkaasi Masar, waxaana la fahamsanyahay in uu jiro xifaaltanka dhanka millatariga ah oo ka dhexeeya waddamada Masar iyo Itoobiya oo horay ugu colaadtamay Webiga Niil-ka.

Inkastoo aanay jirin sabab rasmi ah oo la ogyahay waxa xilligan kusoo beegay imaatinka weftiga masaarida, haddana waxa la ogyahay xifaaltanka ka dhaxeeyay dalalka Masar iyo itoobiya.

Si kastaba ha haatee, waddamada Masar iyo Itoobiya ayaa Somaliland u arka inay tahay mandaqad muhiim u ah arrimahooda dhanka ganacsiga iyo weliba millariga, taasi oo u muuqata in labada dal ay kala jiidanayaan Somaliland iyagoo eegaya danahooda gaarka ah.

 Qurbejoog Staff Writers

Hargeysa, Somaliland

Comments are closed