|

Somaliland: Madaxtooyada Oo Meel-marinta Xeerka Waddooyinka U Miciinsatay Shirar-Doceedyo Qaarkood Natiijo-xumaysteen

Hargeysa:21-Sep-2013(SDN)-Madaxtooyada Somaliland, ayaa si aad ah ugu Mashquulsan sidii ay Golaha wakiillada u dhaafin lahayd xeerka muranka badan dhaliyey ee Horumarinta waddooyinka oo Haatan Horyaalla Golaha Wakiillada Somaliland.

 

mataanoMaalintii shalay ahayd ayaa waxa ay xukuumaddu hore u qaadday tallaabiyinkii ugu cuslaa ee ay xeerkan ku meel marinayso, waxana ay soo abaabushay Shirar doceedyo Beelaysan oo lagu dardar gelinayo Ansaxinta Xeerkan.

Ugu Horrayn waxa shir Albaabadu u xidhan yihiin iskugu yimi dhammaanba xildhibaanada   Golaha wakiillada ku jira ee ka soo jeedda Beesha Bariga Burco(Habarjeclo) oo ay ka maqan yihiin xildhibaan Rayte  iyo Xildhibaan Obama oo isagu dalka dibadda kaga maqan oo ay weheliyaan Qandaraaslayaasha xukuumadda ku xidhan ee isla beeshaas ah oo ay ka mid ahaayeen Cumaani iyo Baashe.

Shirkan ayaa ka dhacay Guriga Xildhibaan Cabdiraxmaan Cartan oo ku yaalla Magaalada Hargeysa, waxana  lagu lafo-guray sidii loo dejin Hannaan Hufan oo xeerkaas loo dhaafin lahaa Golaha wakiillada oo  laga dareemay inuu doorkan ka codaynayo dulmigan.

Sida ay Shabakadda wararka ee Qurbejoog u xaqiijiyeen ilo-wareeddo lagu kalsoon yahay oo shirkaas ka ag dhawaa, waxa muhiimadda shirku ahayd sidii loo heli lahaa kharash badan oo lagu laaluusho xildhibaanada looga shakisan yahay inay ka hor iman karaan xeerkan.

Nimanka iyagu ku mamay Qandaraasyada ay xukuumadda ka qaataan sida cummaani oo kale ayaa iyagu soo jeediyey inay xukuumadda looga  baahan yahay inay diyaariso lacag laxaad lex oo xeerkan lagu dhaafiyo Golaha, iyagoo  qandaraaslayaashaas halkaas kaga dhawaaqay inay dhankooda diyaar u yihiin wixii kaga soo hagaaga kharashka  xeerkan lagu iibsanayo si ay qandaraasyo hor leh u helaan.

Xildhibaanada Beesha, ayaa iyagu dhinacooda xusay in loo bahan yahay siyaasad hufan oo lagu diyaarinayo lacagtii lagu meelmarin lahaa xeerkan oo la hubo inuu xukuumadda u soo hoyn doono malaayiin doolar oo aanay cidina kala xisaabtami Karin mustaqbalka dhaw.

Is-xog-waraysi iyo tilmaamo badan ka dib waxa la isla gartay in dhammaanba xildhibaanada ka soo jeeda beeshan looga baahan yahay inay raadiyaan codad kale oo golaha dhexdiisa ah, iyadoo nin walba loo sheegay inuu la soo baayactamo ninka loo tuhmayo inay saaxiib dhaw yihiin, waxana lagu kala tegay in madaxtooyada war lagu celiyo, kulan dambena la iskugu yimaaddo.

Dhinaca kale  isla shir kale oo ujeeddadiisu kan la mid ahayd ayaa Xalay fiidkii hore ka qabsoomay Hutaal Ambassador ee Magaalada  Hargeysa, kaas ay iskugu yimaaddeen xildhibaanada iyo wasiirrada ka soo jeeda Beesha Galbeedka Burco(Habaryoonis), kaas looga Gol lahaa sidii xildhibaanadan lagaga dhaadhicin lahaa inay xeerkan taageeraan.

Sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoon yahay oo Qurbejoog Heshay, shirkan waxa   soo qaban-qaabiyey wasiirrada wasaaradaha Xannaanada xoolaha, Deegaanka, wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Ganacsiga, xildhibaan Waabeeye iyo xildhibaan Bukhaari, waxana ay ku soo casuumeen xildhibaanada Golaha wakiillada ee la beesha ah.

Kooxdan wasiirrada iyo xildhibaanada iskugu jirtey ayaa  markii kulanka la isku yimi faahfaahin ka bixiyey ujeeddada ay fadhigan u sameeyeen, waxana ay ku sheegeen  inay la xidhiidho sidii xeerka ay madaxtooyadu wadato loo ansixin lahaa maalinta ay codka gaadho.

Xildhibaanadii kale ee Goobtaas joogay ayaa ku gacan saydhay inay fuliyaan dalabka kooxdan xukuumadda ku xidhan, waxana ay si cad u sheegeen inaanay macquul ahayn inay bulshadooda ku ansixiyaan xeer naftooda halis ku ah.

Xildhibaanadan ku doodaya in xeerkani ku habboon yahay in dib loo celiyo, ayaa goobtaas ka dareeray,iyagoo ka biyo diiddan inay shakhsiyaddooda iyo sharaftooda shilimo siistaan, waxana ay ku Gooddiyeen inay dagaal ka gali doonaan ansaxinta xeerkan.

Kooxdii kale ee ka socotay dhinaca madaxtooyada, ayaa goobtaas kala hulleelay waji-gabax iyo faro-madhan, waxana ay  halkaas ka baxeen iyagoo ka xun waxa ay kala kulmeen Xildhibaanadii farriinta culus loo soo faray oo ay u haysteen inay si dhib yar gacanta ugu dhigi karaan.

Ugu dambayntii xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Madaxtooyada ayaa geed dheer iyo mid gaabanba u fuushan sidii ay xeerkan ku dhaafin lahayd Golaha wakiillada, waxana ay diyaar u tahay inay marto waddo kasta oo xeerkan lagu meelmarin karo.

Somalidiasporanews.com

 

Contact@Somalidiasporanews.com

Comments are closed