|

‘’Somaliland Maalin Kasta Waxa Soogala Kumanaan Tan Oo Qaad Ah iyo Qudaar, Anagana Dhibaatada Na Haysataa Waxay Tahay Inaan Kalluunka Somaliland Ka Gudbi Karin Wajaale,.’’ Wasiirka Khalluumeysiga Somaliland

Hargeysa,9Dec,2015(QJ/SDN)-Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Md. Cali Faarax Buureed, ayaa dawladda Itoobiya ka codsaday in ay ogolaato in suuqyadeeda loo iib-geeyo kalluunka Somaliland.

Wasiirka Buureed oo khudbad ka jeediyey  carwo lagu soo bandhigayo kalluunka Somaliland, isla markaana wefti wasiirro ah oo ismaamulka Itoobiya ee Soomaalida ka socota ku sugnaayeen, waxa uu xusay in Itoobiya alaabaheeda kala duwan soo geliso Somaliland.

“Weftiga walaalaheen ah ee degaanka is maamulka Itoobiiya ka yimina waaan leenahay waxa aan haynaa khayraad badan oo inagu wada fila, haddaba dad ajenebi ah oo aan waxba noo ogayn, nagana amar qaadan ayaa booba kalluunkeenii, waxa aanu jecel nahay iyagoo dalkaas u baahan yahay kalluun oo suuqyadoodu aannu kalluun lahayn in naloo sahlo sidii kalluunku u geli lahaa waddankii. Waad ogtihiin oo Somaliland waxa soo gala maalin walba kumanaan tan oo qaad ah, khudaar, sibidh iyo alaabooyin kala duwan”ayuu yidhi Wasiir Buureed.

Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland waxa uu ka waramay dhibaatada haysta Kalluumaysatada Somaliland iyo wasaaradda Kalluumaysigaba.

“Annaga dhibaatada na haysata waxa weeyaan in aan kalluunka aad halkaas ku arkaysaan aanu Wajaale ka bixi karin sharciyada xaggeeda, waxa aannu Wasiirka Ganacsiga oo ilaahay nagu soo beegay aan ka codsanayna inuu ka hawlgalo sidii kalluunku waddanka u geli lahaa, inaguna iibay u baahanahay, iyaguna way u baahan yihiin cunistiisa. Waan ognahay oo Cumaan iyo Imaraadka looga soo qaada oo diyaarado loogu geeyaa oo lacag qaali ah laga siiya, marka waxaannu leenahay halkan baa idiin dhaw. Subixii marka uu Berbera ka soo baxo galabtii magaalooyinkiisa wuu yaala ilaa Addis Ababa diyaaradu way socota waan gayn karnaa.”ayuu yidhi Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland.

Wasiirka Kalluumaysigu waxa uu sheegay in ganacsatada kalluunka suuqyada Somaliland keenen kumanaan tan oo kalluun ah, isagoo shacabka u soo jeediyey in hilibka xoolaha joojiyaan inta carwada kalluunka lagu soo bandhigay socoto

“Maanta halkan waxa inoogu diyaara shirkadihii waddankeena kalluunka ka soo saaraayey ee soo iibsanaayey oo halkan ka iibinaayey iyo dibadaba oo kumanaan kun oo tan oo kalluun ah maanta magaalada Hargeysa diyaar ku yihiin oo loogu talagalay in saddex cisho oo maanta ka bilaabanta kalluunka lagu iibiyo magaalada, waliba ganacsatada waxaannu ka codsanay in ay kalluunka qimihiisa dhimaan oo qiimihii suuqa ay ka siinaayeen ayaa lagu gadaya inta carwadu socoto si dadweynaheena loogu dhiirigeliyo. Saddexdaas maalmood waxa aan ka codsanayna in dadku iska daayo hilibka oo kalluunka ay cunaan oo ay iibsadaan,” ayuu yidhi Wasiir Buureed.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay Carwada wax soorka Kalluunka oo Hargaysa Lagu qabtay,taasi oo lagu soo bandhigayay Kalluunka kala duwan ee Badda Somaliland.

Muuqaalka Wasiirka Kalluumeysiga Somaliland: RIIX

Comments are closed