Somaliland Ma Ka Midho Dhalin Kartaa Heshiiska Dhismaha Dekada Iyo Jidka Rajada?
Hargaysa 22.May 2016 (SDN/QJ):- “In kasta oo uu hor dhac yahay xukuumada Somaliland waxay heshiis la gashay shirkada wayn ee DP World si ay u maal galiso mashruuc lagu balaadhinayo laguna casriyeynayo dekada Berbera iyo dhismaha jidka dheer ee isku xidha marsada Berbera iyo dal waynaha Itoobiya.
Mashruuca waxa ku lamaan kuwo kale oo dhamaantood kaabaya dhaqaalaha dalka, waxa ku baxaya lacag ku dhaw-dhaw nus bilyan doolar oo Maraykan ah. Wuxuu noqonaya mashruucii ugu waynaa ee abid Somaliland la gasho shirkad caalamiya, waana fursad qaaliya haddii loo hirgaliyo sidii loogu talo galay. Wuxuu qayb lixaadle ka qaadan doonaa horumarka dalka iyo heerka nolosha bulshada, sidaas si la mid ah heshiiska waxa u riyaaqay oo soo dhaweeyey wadamada mandiqada ee aan lahayn bado (Dekado) ay wax uga soo degaan ama ka dhoofiyaan sida Itoobiya iyo koonfurta Suudaan.
Akhriste aan ku xasuusiyo dadaalkii wada jirka ahaa ee dawladaha Itoobiya iyo Somaliland u galeen sidii dhaqaale maalgashi loogu heli lahaa dhismaha dekada Berbera iyo jidka rajada (Berbera Corridor) iyo sidii looga dhaga adaygay: sidaa awgeed mashruucani Somaliland wuxuu uga dhigan yahay riyo mudo dheer aynu sugaynay oo rumooday ama ducadeenii oo Ilaahay inaga aqbalay hase yeeshee heshiiska laguma wada farxin markii la shaaciyeyba wuxuu yeeshay cadaw tiro badan, waxa soo baxay dawlado iyo ururo ka xun oo u arka inuu danahooda wax yeeli karo iyo kuwo xaasidaya horumarka iyo wax kasta oo wanaagsan oo u soo kordha Somaliland.
Sidaas daraadeed durba waxa bilaabmay dhaqdhaqaayo lagaga hor tagayo inuu uu mashruucu guulaysto. Wadamada horumaray ee caqligu taliyo dawladaha xifaltan ku ka dhaxeeyo dagaalkooda waxay u adeegsadaan dhinacayda siyaasada iyo dublumaasiyada laakiin dawladaha Afrika iyaga oo ka itaal yar hadana waxay miciinsadaan xoog iyo inay khalkhal ka abuuraan gudaha dalalka kale, waxay maal-gelinayaan ama dhiiri galiyaan jabhado hubaysan oo abuuri kara jawi colaadeed oo shaki galin kara ama didin kara kambaniyada samaynaya maalgashiga ama waxay soo nooleeyaan xurgufo hore oo u dhaxeeya dalkaa iyo dalalka la dariska ah tusaale ahaan si dalka Itoobiya looga rabsho inay ka faa’idaysato biyaha wabiga Nile-ka dawladihii masaaridu waxay dagaalkooda u isticmaali jireen dawladihii Soomaaliya ka talin jiray burburkii ka hor iyo jabhadii Soomaali Galbeed, maanta dagaalka biyaha ee ka dhanka ah Itoobiya Masar waxay u adeegsataa dawlada Eritrea iyo jabhada Oromada.
Si kastaba ha ahaatee cid kasta oo diidan heshiisku waxay dagaalka la kaashanayan dawlada Soomaaliya ee afka nool si ay u xoojiyaan sheegashadooda in ay Somaliland tahay qayb ka mida Soomaaliya, waxa kale oo laga yaaba inay taageero dulomaasiyeed ka helaan qaar ka mid ah dawladaha Carabta.
“Option” kalena wuxuu noqon karaa in laysku dayo in la adeegsado siyaasiyiin iyo qaybo ka mid ah dadweynaha si lays kaga hor keeno bulshada oo loogu murmo dhismaha dekadu waa xaaraan iyo waa xalaal. Hadaba shicibka waxaa la gudboon inay fahmaan tabaha iyo midabada cadawga oo la taageero heshiiska iyo wixii dantu ku jirto, xukuumada iyana waxa looga baahan yahay inay awoodeeda iskugu gaysto fulinta heshiiska iyo inay ka shaqayso sidii dadku u aamini lahaa dawladooda.
Dawlada Itoobiya qudheeda waxa looga baahan yahay inay dhankeeda ka difaacado danaha wadaaga ah ee labada dal sida mashruucan oo kale. Waxan ka baqaya inay fursadani inaga lunto sidii sharkadihii sahaminta shidaalka ee dalka ka cararay markii heshiiskii lala galay ka fuli waayey dhanka xukuumada Somaliland. Wadamada raadinaya aqoonsiga beesha caalamak sida Somaliland oo kale inay qaran noqon karaan iyo in kale waxayaaba lagu qiimeeyo waxa ka mid ah sida ay u dhawrto heshiisyada caalamiga ah ee ay galaan.”
Cabdiraxmaan Cadami