Somaliland: labada xisbi mucaarad oo maanta heshiis 10-qodob ka kooban kala saxeexday.
Hargeysa 24-july 2013(SDN):-Xisbiyada Mucaaradka ah eek a jira somaliland ee Ucid iyo Waddani, si rasmi ah ugu dhawaaqay inay ka heshiiyeen utumihii siyaasadeed ee muddada kala irdeeyeyo, sidaana waxa lagu sheegay qoraal rasmi ah oo ay soo wada saareen labada xisbi.
Heshiiska labada xisbi mucaarid ee Waddani iyo Ucid ay gaadheen ayaa ayaa ay uga golleeyihiin inay samystaan isbahaysi adag oo mucaarid ah kaas oo ay kala hortagayaan xukuumadda kulmiye ee qabatintay saaxadda bilaa mucaaridka ah.
Munaasibada heshiiskan lagu kala saxeexanayey oo kooban toban qodob laguna qabtay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa warbaahinta u akhriyey Prof:Cabdirashiid oo ka mida masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan, “Waxa maanta farxad weyn iyo guul u ah labada xisbi mucaarid ee wadani iyo Ucid inay si wada jira u heshiiyeen maanta oo arbaha taariikhudan tahay 24/07/2013, taas oo laga soo bilaabo 15/07/2013 oo la soo afjaray khilaafaadkii siyaasadeed ee u dhaxeeyey labada xisbi, isla markaan ay labada xisbi isla qaateen inay ay iska kaashadan arimaha mucaaridnimo iyo danta qaranka.”
Proff: Cabdirashiid oo hadalkiisa sii wata ayaa daaha ka fayday nuxurka qodobada ay ku heshiiyeen labada xisbi, kaas oo ka kooban toban qodoba oo kala ah sidatan:
1. In la magacaabay guddida wada shaqaynta labada xisbi mucaarid,
2. Inay labada xisbi mucaarid iska kaashadaan sidii ay xukuumada ugu ilaalin lahaayeen ku dhaqanka distoorka iyo shuruucda dalka
3. In labada xisbi mucaarid ay ku heshiiyaan inay xukuumada si mug leh ugala shaqeyaan hawlaha ictiraafk radinta dalka
4. In wada tashi joogto ah laga yeesho marxaladaha uu marba dalku marayo
5. In si wada jira layskaga kaashado arimaha doorashooyinka dalka si ay doorashooyinku wakhtigoodii ugu qabsoomaan, oo aanay dib uga dhicin
6. Inay labada xisbi mucaarid diyaar u yihiin inay xukuumada iyo xisbiga Kulmiye kala shaqeeyaan danaha guud ee dalka
7. Inay reeban tahay inay labada xisbi iska duraan warbaahinta, oo aan laysku marin wax aflagaado ah
8. In haddii uu wax khilaaf ahi soo kala dhex galo ay labada xisbi si wada jira u xaliyaan
9. In si wada jir ah loola shaqeeyo guddida doorashooyinka qaranka iyo daneeyayayaasha doorashooyinka
10. In guddida wada jirka ah ee labada xisbi qaran ay anshax mariso cidii burisa mid ka mid ah qodobada heshiiska labada xisbi.
Heshiiskan labada xisbi maanta kala saxeexdeen ayaa ka dambeeyey wadahadallo in muddo ah u soo socday labada xisbi, waxana meesha laga saaray tuhun iyo kala shaki in muddo ah dhexdooda soo yaallay.
Heshiiskan ayaa sidoo kale waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay dalka ka jiraan Dufaanno siyaasadeed oo si weyn u ruxay xukuumadda Axmed siilaanyo kuwaas oo ay kiciyeen siyaasiyiin miisaan culus daka ku leh oo samaystay Gole Hurdada ka kiciyey Xukuumadda oo uu Guddoomiye Faysal xubin firfircoon ka yahay.
Somalidiasporanews.com
Axmed Cumar Axmed (TIMO) Hargeysa Office