|

Somaliland: Kufsiga loo geysto Sida Wadarta ah oo soo badanaya & Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka oo faahfaahiyey DAAWO

Hargeysa, 8. February,2016(SDN/QJ):– Dambiyada Kufsiga ah ee ka dhaca Somaliland, ayaa sidii hore ka sii kordhaya guud ahaan Gobollada iyo degmooyinka Somaliland.

 

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland Xasan Axmed Aadan, ayaa sheegay in Tiro-koob Xafiiskiisu sameeyay Sannadkii 2015 iyo Sannadkii ka horeeyay ee 2014-ka ku ogaadeen inay sii kordhayaan Kiisaska Kufsiga ah ee Dalka ka dhaca, kuwaas oo u badan Kufsi u dhaca si Wadar ah, inkasta oo Xeer ilaalinta iyo Hay’adaha kale ee ku shaqada leh arrimahaasi ay dedaal ugu jiraan sidii loo yareyn lahaa.

 

Xeer ilaaliyaha Guud ee Somaliland Xasan Axmed Aadan, oo arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “Weli waxa ka socda Korodhka Dambiyada la xidhiidha Kufsiga, tiro-koobkii aanu samaynay Sannadkii 2015-kii iyo Sannadkii ka horeeyay ee 2014-kii weli waxa taagan Dambiyada Kufsiga, kuwa Sida Wadarta ah loo gelaana aad bay u badan yihiin.”

 

Xeer ilaaliyaha oo Shalay ka hadlayey Tababbar loo furay Shaqaalaha Xafiiska Xeer ilaalinta Guud oo ku saabsanaa sidii kor loogu qaadi lahaa habka loo oogo Dacwadaha Kufsiga, ayaa isagoo sii hadlaya sheegay, “Gobollada Dalku ha kala duwanaadaane heerka Kufsigu aad buu u badan yahay, markaa Tababbarkani wuxuu khuseeyaa bal inuu siyaadiyo sida Xafiiska Xeer ilaalintu u oogo Dacwadahaas kufsiga iyo sida Caddeymahooda loo ururrinayo inay noqdaan kuwo dhamaystiran oo Kaamil ah.” Ayuu yidhi.

Comments are closed