|

Somaliland :Jab’had Hubeysan Oo Lagaga Dhawaaqay Gudaha Gobolka Sool Iyo Xaalada Magaalada Laascaanood Oo Kacsan DAAWO

Laascaanood 07. Novembar 2016 (SDN/QJ):- Deegaan ka Tirsan Gobolka Sool oo la Yidhaa Boocame ayaa lagaga Dhawaaqay Jab’had Hubaysan dhawaqaas oo Xaalad Kacsanaan ah ka abuuray Magaalada Laascaanood.
Waxaana Madasha jab’hada Looga dhowaaqay Ka hadlay Qaar kamid ah Hogaanka Jabhada oo kamida Ahaayen Faysal Maxamed Xasan Falaalug oo loo dooratay Gudoomiye kumeel gaadhka ah, Horeyna uga soo mid Noqday Wasiirada maamulka Khaatumo, Waxaana sidoo kale Kulanka ku Weheliyey Qaar kamida ah Saraakiisha ciidanka iyo Qurbajoog taageersan Jabhada Xoraynta iyo Midaynta Deegaanada Khaatumo.

Comments are closed