Somaliland iyo SSC oo durba fuliyay hordhaca heshiis nabadeed ay galeen, muxuuse xambaarsan yahay heshiiska dhexmaray?
Hargeysa 11, August 2012 (SDN)- Xukuumadda Somaliland ayaa maanta sii daysay 68 Maxbuus oo ay ciidanka qaranku ku qabteen dagaaladii ay aagga degmada Buuhoodle kula galeen kooxaha degaankaas ee hubaysan.
Sii daynta maxaabiistaas maleeshiyaadka Buuhoodle oo ku timi cafis Madaxweynuhu u fidiyay, waxa ay ka dambaysay markii ay xukuumadda iyo hoggaamiyihii kooxdii SSC Mr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) ay laba maalmood ka hor heshiis nabadeed galeen. Sii daynta maxaabiistan waxa xaqiijiyay Taliye ku-xigeenka ciidanka Asluubta Somaliland Mr. Xasan Cali-dheere.
Mr. Xagla-toosiye iyo oday dhaqameedyo uu hoggaaminayay, waxay doraad kulan la yeesheen Madaxweyne Siilaanyo oo ay weheliyeen masuuliyiin xukuumadda ka tirsan iyo guddoomiyaha xisbiga UCID, maalin uun ka dib markii Xagla-toosiye iyo weftigiisa lagu soo dhaweeyay degmada Caynabo ee gobolka Sool, loona soo gudbiyay dhinaca caasimadda dalka ee Hargeysa.
Dhinaca kale, waxa la sheegay in maleeshiyaadka Buuhoodle ay maanta hay’adda Bisha Cas ku wareejiyeen 4 ka tirsan askarta ciidanka Qaranka oo ay maxaabiis ahaan muddo u hayeen.
Muxuu xambaarsan yahay heshiiska ay fulintiisa bilaabeen labada dhinac?
Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa muujiyay sida ay xukuumaddu u danaynayso heshiiskan nabadeed, si isfaham looga gaadho colaada soo jiitamaysay ee ka taagan qaybo ka mid ah gobollada bariga Somaliland.
Mr. Cadami oo maanta u waramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, waxa uu sheegay in labada dhinac oo wada-hadalkoodu Dubai ka soo bilaabmay, ay isla ogolaadeen qodobo xasaasi ah, kuwaasoo kala ah; in dib loo soo qaado ciidanka Qaranka ee fadhiisinkoodu kulaalayo Buuhoodle iyo sii-daynta maxaabiista labada dhinac kala haysteen.
Sida heshiisku dhigayo, Xukuumaddu waxay ogolaatay qodob xasaasiyadiisa leh oo ah in fadhiisinka ciidanka Qaranka Somaliland ee deegaanka Sool-joogto oo Buuhoodle 10 KM u jirta dib loo soo qaado, lana geeyo aagga Qori-lugud oo 30 Km u jirta.
Si rasmi ah looma oga qodobada kale ee heshiiska Xukuumadda iyo SSC ku gaadheen kulamadoodii Dubai iyo Hargeysa, laakiin waxa jira dhinacyo kala duwan oo aragtiyo iska soo horjeeda ka qaba arrimaha heshiiska nabadeed qaarkood ee fulintooda la bilaabay.
Dadka qaarkood waxay u arkaan heshiis muhiimad wayn leh, xalna u noqon kara ismaan-dhaafka labada dhinac oo saamaynta taban ku yeeshay nabadgelyada qaranka iyo horumarka deegaankaas.
Hase yeeshee, waxa jira dad ka biyo-diidsan aragtida la xidhiidha; dib-u-qaadista ciidanka qaranka oo ay u arkaan mid aan dalbashadeeda iyo fulinteeduba haboonayn.
Qurbejoog.com, Hargeysa