Somaliland Iyo Madaxda Ugu Saraysa ee Idaacadda BBC-da oo Ka Wada Hadlay Dacwad ay Xukuumadda Somaliland ka Gudbisay Laanta Afka Somaliga & Qodobada la Isku Afgartay DAAWO
Hargaysa 11. March 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Iyo Wacyigalinta Md, Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) Ayaa Xafiiskiisa Kula Kulmay Madaxda Idaacada Bbc-Da Ee Bariga Iyo Badhtamaha Afrika, Iyagoo Ka Wada Hadlay Cabasho Somaliland Ka Gudbisay Laanta Afka Soomaaliga Ku Hadasha Ee Bbc-Da Oo Ahayd In Aanay Dhex Ka Ahayn Wararka Iyo Barnaamijyada Ku Saabsan Somaliland Ee Ka Baxa Laanta Afsomaliga Ee Bbc-Da Waxanay Labada Dhinac Isla Garteen In Wax Laga Qabto Arintaasi.