|

Somaliland iyo khalad ka fahamka nidaamka Dimuqraadiyada

Hargeysa June 08,2012(SDN)-Somalinad ayaa intii ay ka hano qaaday nidaamka dimuqraadiyadeed ee axsaabta faraha badan ku saleysan waxa soo ifbaxayay sida reer Somaliland ay khaladka uga fahmeen Dimuqraadiyada.

Waxa Somaliland mudo toban sanadooda ka jiray haatan nidaamka axsaabta faraha badan oo ay laheyd sadex xisbi qaran,xumad siyaasadeed awgeed  ayaa nidaamkaa loo burburiyay si cidwaliba shantii sanadood ay u furato xisbi.

Axsaabta siyaasadeed ee ka dhisan dalalka horay u maray ayaan dhaqan u leheyn in ay xafiisyo ka furtaan dalal kale.

Ururada Siyaasadeed ee haatan ooda laga rogayna waxaad arkeysaa iyaga oo u kala dheereynaya xafiisyo ay ka furtaan dhamaan Qaaradaha caalamka.

Ashqaastu dunida halka ay doonaan haka joogeen waa dhaqan caadi ah in ay xisbi dhaqaale ku taageeraan,balse xisbi dal xafiis shisheeye ka furta reer Somaliland ayaa u horeeyay.

Waxa sidoo kale culeys dhaqaale oo baxad lehi uu ka dhashay nidaamkan kharashkiisu aanu xadka leheyn.

Si gaarana waxa culeyskaasi uu ugu dhacay degaanada dhexe ee Somaliland oo xumad siyaasadeed uu ku keliyeystay.

Somaliland oo ilaa hatan aan aqoonsi helin in nidaamkan ay iskeed u gasho waxa ka dhalan kara in hanti si toosa mujtamacu uga faaideysan kari lahaa loo duwo mashruucan aan isbedel dhab ah laga dhaxlin.

Si kastaba ha ahaatee waxa iyadana xusid mudan in hanaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ka hirgalay ay muujineyso in ummadi hadii ay isla qaadato arrin in intuu doono mashruucaasi baaxadiisu ha le’ekaadee la hir gilin karo.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed