|

Somaliland iyo Khaatumo oo Hadallo isku lid ah kaga Jawaabay Derajada ay ku Wadahadlayaan

Hargaysa 30. December 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo Guddoomiye u ahaa Guddiga Somaliland u metelaysa Wadahadalka Khaatumo ku dhex-maray Addis Ababa toddobaadkii hore, ayaa faahfaahiyey qaabka ay u wadahadlayeen inay tahay sidii laba maamul sida ay Khaatumo sheegtay, balse waxa uu ku dooday inaanay sidii laba Maamul u wadahadal ee ay u wadahadlayeen sidii loo xallin lahaa khilaaf siyaasadeed oo ka dhex-jira dal Somaliland la yidhaahdo oo hal dawlad leh.

Hoggaamiyaha Khaatumo Prof: Cali Khaliif Galaydh, ayaa toddobaadkan Buuhoodle ka sheegay in waxa ay Somaliland ka wadahadlayaan yahay haddii ay isku fahmaan inay noqdaan laba Maamul oo jaar ama deris ah sida rabitaanka Khaatumo yahay, balse ay wadahadalladu bilaw yihiin hadda oo aan heerarkaa la isla gaadhin.

 

Hase-yeeshee, Wasiir Sacad oo Saxaafadda qaarkeed kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inaanay Somaliland aqoonsanayn Maamul dalkeeda ka dhex-jira, balse ay aqoonssan tahay in khilaaf siyaasi ah oo in la xalliyo u baahani ka dhex-jiro. “Horta Somaliland hal dawlad uun baa ka jirta, Somaliland-na hal Qaran uun weeye, waxaannu ku wadahadlaynayna waa Xayndaabka Somaliland, innagu ma ictiraafsanin maamul kale oo Somaliland ka dhex jira.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirku.

 

Wasiirka arrimaha dibedda oo sii wata Sharraxaaddiisa, waxa uu yidhi; “Laakiin, sidaad ka war-haysaan khilaafaad siyaasadeed baa jira, markaa ujeeddadu waxay ahayd sidii khilaafkaa siyaasiga ah loo dhammayn lahaa ee Somaliland dhexdeeda ka jira, markii ugu horreysayna maaha ee Shirar caynkan oo kale ah aynu galno, ee sooyaalkeenna iyo geeddi-socodkeenna ayey ka mid ahayd in marar farabadan oo khilaaf siyaasadeed yimi sidaas oo kale wadahadal lagu dhammeeyey.”

 

Qodobbada ka soo baxay Wadahadalka toddobaadkii hore Khaatumo iyo Somaliland ugu soo gebo-gaboobay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Wasiir Sacad oo qaarkood muhiimadda ay leeyihiin faahfaahinayaa, waxa uu yidhi; “Wadahadalkani waa mid dani Somaliland ugu jirto nabadaynta, isu-soodhawaanshaha iyo midnimada reer Somaliland, Shirku jewi wanaagsan buu noogu dhammaaday, jewi wanaagsanna wuu noogu socday, si wanaagsanna waannu u soo gebo-gabaynay, dhawr qodob oo lagu heshiiyey ayaa ka soo baxay. Qodobbadaas qaar waxay taabanayaan xagga nabadda, qaar xagga horumarka, qaarna xagga abaaraha.”

 

“Waxaannu isla garannay in meel looga soo wada jeedo wixii nabadgelyo-xumo ah, waayo? Nabadgelyadu aad bay muhiim innoogu tahay in meel looga soo wada jeedo. In wixii hadal-xumo ah inta wadahadalladu socdaan la iska dhawro oo la isaga tudho, haddii cid saddexaad soo faro-geliso arrimeheenna aynu meel uga soo wada-jeesanno. Waxaannu ku wadahadlaynay waa Xayndaabka Somaliland.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Sacad.

 

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo ka hadlaya qodobka heshiiska ku jira ee ka hadlaya gobollada Bariga inay Hay’aduhu xayiraadda ka qaadaan, waxa uu yidhi; “Waxa kale oo ku jiray in la weydiisto Hay’adaha Samafalka iyo kuwa Qaramada Midoobay-ba inay ka hawlgalaan gobollada Bariga oo muddo badani xayiraadi saarnayd, iyadoo had iyo jeer la yidhaahdo; ‘nabad-xumo ayaa ka taagan ama waa gobollo la isku haysto’. Waxaannu doonaynaa runtii inaannu ka hawlgalno oo u caddayno caalamka inaanay ahayn gobollo la isku haysto iyo inaanay ahayn gobollo nabax-xumo ka taagan tahay, inay yihiin gobollo u baahan horumar.”

 

Geesta kale, Cali Khaliif Galaydh oo ah Hoggaamiyaha Khaatumo, ayaa Buuhoodle mar uu Xaflad Su’aalo lagu weydiiyey ka hadlayey, waxa la weydiiyey inay Somaliland ka mid noqonayaan iyo inay iyaga oo laba Maamul ah wadahadalka bilaabeen, waxaanu ku jawaabay; “Wixii laga gaadhi doonaa waa meesheeda, waxaase annaga noo muuqata laba arrimood. cid kale oo diyaar u ah inaan wadahadalno ma muuqato oo ma jirto, Xamar ma oggola.”

 

“Waxaanu isaga oo sii waday sharraxaaddiisa, intaas ku ladhay; “Annaga nagama madhna haddaannu isla jaanqaadno, waar Maamulkayaga Khaatumo kuma milmayo Maamul Somaliland la yidhaahdo. Haddaan idin leeyahaye ku milmi mayno Somaliland. Maamulkaasi haddaannu noqonayno laba Maamul oo deris ah oo dan baa iskaayo baddaye aannu wax badan ku heshiinno.” Sidaa ayuu yidhi Prof: Cali Khaliif Galaydh.

Comments are closed