Somaliland Iyo DP World: Hirdanka Hagardaamada Iyo Hirgalinta Heshiiska. Falanqaynta Ogaal…Qaybta 4aad
Hargaysa 04.Aug 2016 ((SDN/QJ):-Xukuumaddu heshiiska ay la gashay DP World waa noocee? Dekedda miyaa la kireeyay, mise waa maalgelin heshiisku? Masuuliyiinta xukuumadda ee sharaxaadda ka bixiyay heshiiska DP World, way isku khilaafsan yihiin labaddaa.
Qaarkood waxay sheegeen in DP World heshiis lagula galay 30 sano oo kiro ah, qaarna waxay leeyihiin Dekedda lama kirayn ee waa la maalgelinayaa. ” Dekeda lama iibin, xukuumaduna waxay heshiiska la gashay DPW, heshiiskan ay la gashayna waa heshiis ah in ay dawladu kiraysay dekedda muddo 30 sano ah, kiradaa maxaa ka soo gelaya weeyaan, kiradaa dawlada waxa ka soo gelayaa waa saddex qaybood.” Sidaa waxa yidhi Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Baashe Cawil. Wasiirka Qorshaynta Cali Shoombe ayaa isna mara uu sharaxaad ka bixinayay heshiiska sheegay, in heshiisku yahay mid kiro.
Hase yeeshee Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi oo isla arrintaa ka hadlayaa wuxuu yidhi; “Waxaannu u doorannay Shirkadda DP World waxay noqotay shirkaddii ugu dalabka fiicnaatay. Dekedda Berbera Xukuumaddu ma kiraynayso mana iibinayso, hase yeeshee waa la maalgelinayaa, Dekeddana innagaa leh.” Kala hadalkani wuxuu shaki iyo tuhun gelinayaa nooca heshiiska, isla markaanna wuxuu tusmaynayaa heshiis laba magac leh, waayo, kiradda iyo maalgelintu isku mid maaha, waa laba kala duwan siday sheegeen Xeeldheerayaal mawduucan aanu wax ka waydiinay. Haddii heshiisku mid kiro yahay, waxay iswaydiintu noqonaysaa, kiraddu intay saamaynaysaa, ma dhulkeedda oo keliya, ma hawaddeeda, ma xeebteeda, mise dhamaan. Cadadka aduunka lagaga kireeyay kiraystuhu waa intee? maxaa lagu saleeyay qiimaha kiradda? Dayactirka muddadaa la kireeyay yaa masuul ka ah, ma kireeyaha mise kiraystaha? kuwaa iyo qaar kaleba waa ka mid su’aalaha layska waydiin karraa.
Dhanka kale, maalgelintu waxay dhexmartaa laba dhinac, oo midna lacagtiisu meel ay uga shaqayso u baahan yahay, ka kalena halkay ka shaqaynaysay hayo. Qaybtan qudheedu waxay leedahay tiirar uu ku taagan yahay heshiiska la gallaa. Haatan, heshiiskan hadda waxa la sheegay in DP World gelinayso dekedda Berbera 442 milyan doolar, marka laga tago faa’iidadda ay ka heli doonnaan 30 sano, waxa u barbar socda la soo noqoshada lacagtaa. Shuraakaddu waa hab kale oo isla heshiiskana qayb ka ah. “Waxaynu wada abuuraynaa DP World Shirkad maamusha hawlmaalmeedka joogtada ah oo innaga dhaxaysa, cad baynu guulaynaynaa, innaguna waxaynu leenahay hantida, iyaguna way maalgelinayaan, labadeenna qoloba faa’iida doon baynu nahay. Heshiiskan waxaannu u aragnaa kii ugu qiimaha fiicnaa marka la eego siddeedii Shirkadood ee kale” sidaa waxa yidhi Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi. Shirkad la wada leeyahay baa abuurayaa, markaa hanti baa laysku darsanayaa, saamiyo ayay labadda dhinac yeelanayaan, waa la kala badsan karraa, laakiin kala bursigu wuxuu ku xidhan yahay sida loo kala hanti badan yahay. Dabcan, awooddana waxa loo wadaagayaa kama taganna sida loo kala jeeb roon yahay. Imika sida heshiiska ku cad 65% kambaniga heshiisku abuurayo waxa leh DP World, 35% waxa leh Somaliland. La soco…………..