Somaliland Iyo DP World: Hirdanka Hagardaamada Iyo Hirgalinta Heshiiska. Falanqaynta Ogaal……..Qaybta Sadexaad
Hargaysa 03.July 2016 (SDN/QJ):- Laga soo bilaabo gacantaagii golaha wasiiradda somaliland, waxa soo baxaysa dayro la xidhiidha soo bandhigida nuqulka rasmiga ah ee heshiiska, isla markaana waxa taa tilmaamay Xildhibaano golaha Wakiiladda ka tirsan oo sheegay in qorshuhu ahaa in xukuumaddu u gudbiso golaha Wakiiladda nuqulka heshiiska sabtidii todobaadkii hore, laakiin taasi aanay dhicin. Xildhibaanadaasi waxay muujiyeen, in xukuumaddu golaha kala maagayso soo bandhigida nuqulka dhabta ah ee heshiiska. Markaa hadday dooddaasi run tahay waxay iswaydiintu noqonaysaa, waayo?
Dawladda Soomaaliya Iyo Heshiiska
Somaliland rubuc qarni waxay ku jirtaa aqoonsi la’aan, isla markaana waxay weli u dabran tahay oo wax badannina iskaga xidhan yihiin Soomaaliya.
Dad ahaan iyo nidaam ahaanba waxay ku soo mooddeen haddana ku jirraan isdeber gudahoodda ah oo aan waxtar badan ka helin dunidda kale, ictiraaf la’aanta darteed. Inkastoo dhaqdhaqaaqyo badan la sameeyay, misana Somaliland waa qaran isagu is aqoonsan, dawladdiisu doorasho ku timaaddo, balse caalamka kale indhaha ka laliyo kuna tiriyo soomaaliya.
Taasina waxay sababtay in markii u horaysay Somalia iyo Somaliland ay bilaabeen wadahadal, laakiin is aragyadaasi ma noqonin qaar kala furta labada dhinac oo guul laga gaadho. Sidaa aawadeed, haddana Somaliland kumay niyad jabin aqoonsi la’aanta haysata ee waxay ku taamaysaa inay u adkaysato dhibaatadda ilaa ay ka xaqiijinayso doonisteedda. Intay sidaa tahayna saxeexa Muqdisho saamayn iyo raad buu ku leeyahay macaamilka aan dhamayska ahayn ee Somaliland iyo dunidda kale u dhexeeya.
Hase yeeshee Somaliland dad ahaan isma dareensiiyaan taa, siyaasiyiinta iyo hogaamiyayaashuna wax kasta oo ay og yihiin, Muqdisho waxay u isticmaalaan hub ay isku wanjalaan oo ay wax ku kala riixdaan, halkay ka ahayd in la koriyo wacyiga umadda iyo kalsoonidda masiirka, si ay Somaliland danteedda gaarka ah ugu marto dariiq kasta oo lama huraan ah. “Maya dawladda Soomaaliya wax lug oo ay ku leedahay heshiiskan ma jirto, namana khusayso. Idaacadaha way ka hadleen, Wasiirkooda dekeduhuna wuxuu yidhi maxkamad baanu gaynaynaa” sidaa waxa ku jawaabay mid ka mid ah Wasiiradda oo wax laga waydiiyay saamaynta ay dawladda Soomaaliya ku leedahay heshiiskan Dekedda Berbera. Mar kale oo wax laga sii waydiiyay aqoonsi la’aanta Somaliland haysataa inay sababi karto inuu saameeyo saxeexa Muqdisho wuxuu ku jawaabay;
“Waa iska dhaqan dadku kolkay awooddooda iyo kartidooda ka shakiyaan inay meelo badan isku qaadaan. Soomaaliya inagaa ka karti iyo aqoon badan, 25 sano bay dawlad samaysan kari waayeen. Dawladda soomaaliya mar walba way diidan tahay heshiisyada horumarinta ee Somaliland gelayso.”
Mar kale mar uu todobaadkii hore mid ka mid ah wasiiraddu ka hadlayay heshiiska iyo in la horgaynayo Golaha Wakiiladda wuxuu yidhi;”Cid keliya ayaa diidan heshiiskaa intii aan wax akhriyay ama dhegaysanayay, waa dawladda Soomaaliya. waxaad ogaataan shicibkoow indhihiina furra, baarlamaanka waa la gaynayaa, cidda diiddaana waa cid Xamar la mawqif ah.” Xukuumaddu sidii caaddada ahayd way ka cararaysaa magaca ‘Somalia’ dhanka kalena waxay ka dhiganaysaa hub, si ay u daboosho dhaliilaha.
Hase ahaatee, bal aan gees kale ka dhugano. Dalalka carabtu waxay safka hore kaga jirraan wadamadda aadka uga soo horjeedda gooni isu taagga Somaliland, isla markaanna u olloleeya sidii loo soo celin lahaa midnimaddii Soomaaliya ee burburtay.
Markii u horaysay weeye ee dal carbeed oo midnimo doon ahi ilaa xadkaa ugu soo dhawaado Somaliland. Imaaraadka Carabta oo leh shirkadda DP World ee heshiiska la wada Somaliland, wuxuu ka mid yahay waddamadda dhaqaalaha xoogga leh siiya dawladda Soomaaliya, isla markaana intii hawshani socotay waxay la yeesheen dawladda Xasan Sheekh kulamo ka dhacay Muqdisho iyo Imaaraadka labadaba. Markii u horaysay ee hadal haynta iyo wadwadista heshiiskani dibadda u soo baxday ayaa Wasiirka Dekedaha Somaliya ka hadlay arrinkaa, isla markaana sheegay in aanay ogolayn heshiiskaa. balse wixii ka dambeeyay maamulka Somalia wax hadal ahi kama soo bixin, tibaaxihii u horeeyay ee markaa kadib sida dadban loo helayayna waxay tusmaynayeen, in Xasan Sheekh ogolaaday heshiiska maamuus ahaanna uu doorkiisa qaatay.
Geesta kale qaar ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ayaa mar kale hadda ku dhawaaqay in heshiiska uu dawlad ahaan saxeexay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh, sidaa darteedna aan loo hor gayn golaha Wasiiradda, oo wixii ay ansixiyeen lagu tilmaamay warbixin kooban oo uu u jeediyay mid ka mid ah golaha wasiiradu. “Immika Golahayaga ayaa lagu soo wadaa, annagu waxaannu doonaynaa Heshiiska.
Heshiiska Xasan Sheekh Maxamuudkan Xamar jooga ayaa Hoosta ka saxeexay, markaa waa in la keenaa heshiiska. Sabtidii baa la islahaa keena, ee waxa la arkay in qoladii KULMIYE laftoodu ay leeyihiin, waar Berbera halla dejiyo oo dadka wax halloo sheego, oo Guddi 11 ka kooban oo KULMIYE ah haloo saaro. Waxa la yidhi KULMIYE han baaba innoogu darane innaga tuura, iyagu KULMIYE-na ma jecla, UCID-na ma jecla, WADDANI-na ma jecla, annaga Xildhibaannadayadani saddexda Xisbi iyo Guurtidaba waannu ka midaysannahay…” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen Xildhibaano ka tirsan labadda gole, kuwaasoo ku dhawaaqay in aanuu heshiiskani dan u ahayn Somaliland.
Mid kale oo Xildhibaanaddaa ka mid ah ayaa isna ku doodday oo yidhi; “Wasiirradii dhammaa ee Golaha Xukuumadda ee ummadda maamulayay lama tusin heshiiska. Borojagtar inta la tusay, ayaa la ydihi gacanta taaga, iimaankii baa innaga xumaaday oo nin wal oo Wasiir ahi wuxu ka baqayaa in la eryo, waayo? Dee dawlad baanay ahayn. Ina Cigaal sidaasuu ugu bandhigi jiray Wasiirrada oo uu odhan jiray hadla, waa kaa Cabdillaahi Darawal Wasiirkii ugu su’aasha badnaa Ina Cigaal ayuu ahaa, maalin qudhana lama eryin, Wasiirkii ugu sharafta badnaana wuu ahaa.”
Dadbac, wax kasta oo la yidhiba waxay kala xaqiijintoodu ku xidhan tahay nuqulka dhabta ah ee heshiiska.
Soo bandhigidda kaa laftiisuna ma hawl yarra, marka loo eego siday la sheegay inay wax uga dheceen golaha wasiiradda dhexdiisa, isla markaana isku day kastaa waa mid la filan karo. Hase yeeshee, waxa muhiim ah in la maro jid lagu hubsanayo faa’iiddada mashruuca si loo badbaadsado oo loo hanto.
la soco qaybo kale…………………