|

Somaliland Iyo DP World: Higgada Hagardaamada Iyo Hamuunta Runta  Falanqaynta Ogaal…Qaybtii Labaad

Hargeysa 02.Aug 2016 (SDN/QJ):- Ninba meel uu ka abaarayba masuuliyiin badan oo xukuumadda ka tirsan ayaa ka hadlay heshiiskan. Dhamaantood waxay ahaayeen isku ujeeddo.

heshiiskii somaliland iyo dpwWaxay u baxeen inay dadka dhadhansiiyaan heshiiska, si ay uga soo noqoto jawaabta loo baahan yahay oo ah “HAA” Hase ahaatee doodda looma sinna, hadalkana sargoyntiisa la kala odhan og, balse mid uu suryo ka galay, mid uu u toosay iyo mid ku mergadayba, mid kastaba odhaahdiisu waxay tusmaynaysay ama tilmaamaysay inta ay le’eg tahay waxa uu ka og yahay aqoon ahaan iyo war ahaanba waxan uu ka hadlay.

Iskhilaaf iyo iswaafaqba way leeyihiin haddaladdii masuuliyiinta xukuumadda ee ka hadlay heshiisku.

Inay dadku liqeen iyo in aanuu u dhadhamin waa dood kale oo taf dheer, waayo, diidmadda iyo taageeradda bulshadan waxa lagu macneeyaa mid ku salaysan dhaqan oo aan badiyaa maskaxda ka iman, oo ay sargooyaddiisu ku xidhiidhsan tahay dareen “Jacayl iyo Nacayb” qabyaaladdu hogaan u tahay. Taa macnaheedu maaha ma jirto cid garaadka magansanaysa oo si dhab ah u eegaysaa, ee waxa weeye mijo iyo madaxba waxa badan inta sidaa u shaqaynaysa. Waxse taa yarayn karra ama waynayn karra hadba sida masuuliyadda waxaa hagaysaa u dhaqanto, waxa haatan socdaanna khalad iyo saxba waxay yeelanayaan hadba midabka masuuliyaddiisu leedahay.

Qoraalkii hore iyo nuquladdiisa la faafiyay, waxay ahaayeen hordhac aan dhamays ahayn, haddase waxay  golaha Wasiiraddu ansixiyeen heshiiskii rasmiga ahaa oo sugaya saxeexa kama dambaysta ah ee labada dhinac. Hase yeeshee nuquladdiisu weli dibadda umay soo bixin, shirkii Golaha Wasiiraddana waxa loo badinayaa in aan lagu qaybin, balse warbixin guud loo akhriyay, kadibna gacanta loo taagay, siddaana goluhu ku aqbalay. “Wasiirradii dhammaa ee Golaha Xukuumadda ee ummadda maamulayay lama tusin heshiiska, Borojagtar inta la tusay, ayaa la yidhi gacanta taaga. Iimaankii baa innaga xumaaday oo nin kasta oo Wasiir ahi wuxu ka baqayaa in la eryo. Ina Cigaal si cad buu ugu bandhigi jiray Wasiirrada oo uu odhan jiray hadla, waa kaa Cabdillaahi Darawal Wasiirkii ugu su’aasha badnaa Ina Cigaal ayuu ahaa, maalin qudhana lama eryin, Wasiirkii ugu sharafta badnaana wuu ahaa” sidaa waxa yidhi Xil. Siciid Cilmi Rooble. Xildhibaano kale oo iyana ka hadlay ayaa sheegay in Wasiiraddu ansixiyeen warbixin uu mid ka mid ah Wasiiradu akhriyay. Markaa waxay iswaydiintu tahay, “Haddaa maxay ansixiyeen?”Jawaabta su’aashani waxay dib ugu noqonaysaa xukuumadda.

Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi oo ka mid ah xubnaha hawsha heshiiskan xukuumaddu u igmatay  wuxuu xogwaran uu siiyay golaha ku taataabtay heshiiska, faa’iiddada Somaliland ka helayso, danta DP World ugu jirta iyo sida uu muhiimka ugu yahay labada dhinacba inay ka faa’iidaystaan. Qodobaddii uu warbixintiisa ku xusay waxa ka mid ahaa;

– In 12 bilood gudohood oo ka bilaabma maalinta heshiiskaasi si kama dambays ah loo saxeexo, saxeexaas oo dhacaya wiiga ugu horeeya ee bisha inagu soo fool leh lagu dhiso deked cusub oo baaxadeedu tahay 400M, ilaa dekedda cusub la dhisana aan dekedii hore la taabanayn.

– In dekeda cusub ka dib la gelayo casriyeynta iyo balaadhinta dekeda hore.

Qodobadan marka loo eego kuwii hore ugu dhignaa qoraalkii heshiiska hordhaca ah loogu yeedhay, waxa ka muuqda isbedel. Haddii uu sidaa dhab ku yahay oo sidaa ugu cad yahay heshiiskana waa dan ka hadal meeshiisa le’eg oo muujinaya in gorgortan fiican laga sameeyay. Laakiin weli waxaynu u dabranahay soo bandhigida  nuqulka dhabta ah ee heshiiska.

Ansixintaa Wasiirada ka soo yeedhay kadib, durba waxa isa soo taraysa hadal haynta Wakiiladda dhexdooda ee la xidhiidha heshiiska. Waxa dhici karta in laysu muraad qumiyo oo Wakiiladda iyo xukuumadda uu midba  ka kale baahidiisa ka asturo .

Golaha Wakiiladda ee hadda jirraa wuxuu muddo dheer ku fadhiyaa mudda kordhin, welina sida muuqata wuxuu raadinayaa inuu ku sii fadhiyo mudda kordhin kale, si ay taa u hellaana waxay doonayaan in doorashada Madaxtooyadda iyo toodda la kala reebo, isla markaana ta madaxtooyadda la hor qabto, toodana la dambaysiiyo.

Dhanka kale, xag Alla oo ay ka noqoto mooyee, xukuumadda waxa ka go’an inay meel mariso heshiiska, isla markaana waxay baahi u qabtaa inay u hesho kalsoonidda Wakiiladda. Sidaa daraadeed, waxa loo badinayaa durba in labadan baahiyood laysla qoorsanayo.

Inkastoo duulduulka ku talagalkaasi jirro, misana waxa soo baxaysa dayro la xidhiidha soo bandhigida nuqulka rasmiga ah, isla markaana waxa taa tilmaamay Xildhibaano golaha Wakiiladda ka tirsan oo sheegay in qorshuhu ahaa in  xukuumaddu  u gudbiso golaha Wakiiladda nuqulka heshiiska sabtidii dorraad, laakiin taasi aanay dhicin.

Xildhibaanadaasi waxay muujiyeen, in xukuumaddu golaha kala maagayso soo bandhigida nuqulka dhabta ah ee heshiiska. Markaa hadday dooddaasi run tahay waxay iswaydiintu noqonaysaa, waayo? Inta aynaan gudagelin taa waxa iswaydiin kale ah, ma haboon tahay waqtigan inay xukuumaddu ku degdegto raadinta ansixinta wakiiladda? miyaanay ka muhiimsanayn marka hore in la dejiyo xarraaradda saluugga iyo saamayntiisa, waxna laga bedelo qaabka uu maamulku haatan u wajahayo dadka qawadsan, doonayanna inuu ku meel mariyo. Siday tibaaxeen xoggo shabakadaha qaar faafiyeen, waxa la tilmaamay  inuu dhacay kulan lagaga arrinsanayay sidii heshiiska looga ansixin lahaa golaha Wakiiladda, oo ay ka qayb galeen xubno wasiiro ah, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale, balse aragti ahaan lagu kala baydhay waqtiga la horgaynayo wakiiladda, isla markaana la is tusay waxyaabo ay haboon tahay in laga horaysiiyo talaabaddaa.

Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya xogahaasi, hase ahaatee  degdegsiinyo badan oo mashruucan la xidhiidha ayaa xukuumadda loo tirinayaa, kaasoo qayb ka ah amuuraha quudinaya shakiga.

la soco………………………..

Comments are closed