|

Somaliland iyo Afartii Ruux ee u Horeeyay ee Nafaqo daro ka dhalatay abaaraha u geeriyooday DAAWO

Boorama 16.March 2016 (SDN/QJ):-Dalka Somaliland waxaa markii ugu horaysay la xaqiijiyey dad u geeriyooday nafaqo darada iyo gaajada ka dhalatay abaarta baahsan ee ka jirta dalkan JSL.

caruur-dhimatay_2-300x160Badhasaabka Gobolka Awdal oo maanta isagoo ku sugan magaalada boorama waxa uu ku dhawaaqay in afar qof ay macaluul darteed ugu geeriyoodeen deegaano hoos yimaadda Qun’ujeed, weedhaan iyo fadhi-xun, oo dhamaan ka tirsan gobolkaasi isla markaana  xoolahii dadka deegaanadaasi haysteen ay sii dabo yar yihiin.

 

Md Maxamuud saleebaan Cali ramaax Gudoomiyaha Gobolka Awdal waxa uu sheegay in ay gobol ahaan ku talo jiraan inay xeryo u oodaan dadka ku soo baro kacay abaaraha dalka ka jira.

 

Dhanka kalena mayorka Magaalada Boorama Maxamed Xuseen maydhane ayaa waxa uu sheegay in deegaanada ay dhimashadu ka dhacday ay maanta u dirayaan gurmad biyood oo degdeg ah.

Comments are closed