“Somaliland Hub uma baahna Hub ku filan way haysataa, Sallaxlay iyo Balli-gubadle Xad aan la siin degmooyinka kale ee dalka ” Wasiirka Arrimaha Gudaha DAAWO
Hargaysa 09.Aug 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa maanta faahaahin ka bixiyey arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin Ciidanka loo samaynayo ilaalinta goobaha laga baadhayo Shidaalka ee dalka Somaliland oo ay Qaramada Midoobay iyo Hay’ado ka soo hor-jeesteen, diiwaangelinta Muwaaddiniinta oo qalabkeedi dalka imanayo iyo kala-xadaynta Hargeysa iyo Degmooyinka Sallaxlay iyo Balli-gubadle iyo qodobbo kale, waxaanu ka jawaabay su’aalo door ah oo laga weydiiyey arrimaha uu ka hadlay.
Waxaanu Wasiirku sidaa ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa, waxaanu warkaas oo faahfaahsani u dhacay sidan ee ku daawo Muuqaalkan hoose oo dhammaystiran.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com