Somaliland: dusha ka dimuqraadi hoosta ka qabaa’il
(Questioning the unquestionable)
Mahad dhamaanteed Allaah iska leh, nabadgelyo iyo naxariisiba korkiisa ha ahaato Nebigeena Muxamed ah (saw); ehelkiisa, asxaabtiisa iyo cidii dariiqiisa haysaba.
Waxay sheegaan in qarnigii 18aad nin baaderi ahi tagay wadanka Congo si uu halkaas diinta masiixiga uga fidiyo; wuxuu halkaa kula kulmay nin odey ah oo Uhuru la odhan jirey, wuxuu baaderigii u sheegay Uhuru in maanta laga bilaabo uu magacii ka bedelay uguna wanqalay- baptized- (Peter) kaa soo noqon doona magaciisa cusub, sidoo kale uu joojiyo cunista daayeerka oo wixii maanta ka danbeeya bilaabo cunista kaluunka sidii nebi ciise!
Wuxuu arinku sidaa ahaadaba mudo kadib baaderigii wuxuu fasax ugu baxay Ireland, markuu fasaxii ka soo laabtay isaga iyo baaderiyadii kale waxay la kulmeen ninkii Uhuru oo daayeerkii cunaya mar kale!
La ye: “ Peter, waa sidee soo tii lagu yidhi dib haw cunin dayeerka?”
Ku ye: “ Father! sidii aad anigaba Peter iigu wanqashay ayaan isna kaluun ugu wanqalay oo ma aha dayeere ee waa kaluun!
Waxaynu maqalnaa: “Somaliland waa wadan madax banaan oo “dimuqraadi ah oo aanay ka shaqaynin gobolaysi iyo reer hebel, sidoo kale leh xisbiyo qaran oo cid kastaa ka mid noqon karto iskana sharaxi karto…really?”
Mar haday sidaas tahay maxaa keeenay inaynu maqalno: “ hadaanu nahay beesha X waxaanu saluugsan nahay saami qaybsiga…” miyaynaan nidaamka beelaha ka gudbin? Ma la odhan karaa Somalilandba waxan hayaa waa (Uhuru Syndrome).
Qabaa’il-based system
Markii iigu horeysay ee aan xajka tago waxaan arkay askartii masjidka xaramka waardiyaha ka ahayd oo mid kastaa magaciisii iyo qabiilkiisiiba laabta ugu qoran yihiin … iyo sida aanay wax dhib ahiba uga taagnayn!
Waxaan is weydiiyay tolow Somaliland haday sidan oo kale u cadaysato qabaa’ilka ma ka shaqayn lahaa?.. waxaan isu celiyay dee malaha haaye cid baan kuba deyin; bal sawiro – Axmed Xasan: Habar Mulaaxo – waa nin shaqaale dawladeeda oo Habar Mulaaxo ah … what’s wrong with that?
Fiiro gaara: farqi weyn baa u dhaxeeyo qabaa’ilka iyo qabyaalada oo midkood waa mubaax aqoonsigiisa iyo isticmalkiisuba midna waxaan danbi ahayn lagama dheefo.
Hadaba dood baa waxay leedahay haddii Somaliland ku salayso nidaamkeeda dawladnimo mid (qabaa’il-based) ah –sida wadamo badan oo caalamka ahba ka jirta– miyay dhaci lahayd intay afar odey soo fadhiistaan shaashada horteeda yidhaahdaan waxaanu saluugsan nahay saami qaybsiga beelaha? mise waxaa iman lahayd in marka horeba la qoondeeyo saamiga qabiil walba ku yeelanayo maamulka, si aanay u dhicin in laba qabiil oo simani midna 4 wasiir helo, midna agaasime waaxeedba waayo. shaqaalaha dawliga ahina ku yimaadaan karti iyo aqoon oo aan qabaa’il lagu keenin…Perfect, isn’t it?
Qaran-based system
Qof kalaa ku doodaya in qabaa’ilku aanay marna ku heshiin karin saami qaybsiga maamulka dawlada mar haddii xifaaltan iyo xurgufo hore ka dhaxeeyaan , wuxuuna ku talinayaa inay haboon tahay in nidaamka dawliga ah lagu saleeyo mid qaran oon cidna lagu magaacin qabiilkiisa iyo cida uu ka soo jeedo balse lagu magaacabo aqoontiisa iyo kartidiisa – haday doonto ha dhacdo in 2 nin oo walaalo ahi noqdaan wasiiro (sidii ay David iyo Ed Milliband ba) dawladii Labour-ka uga ahaayeen wasiiro. oo nin aqoontiisu dib dhigtay, qabiilkiisu hormarin!
Waa xaqiiqo jirta in Ed Milliband yahay nin Yuhuudi ah (asalkiisu) oo aabahiis Ralph-na qaxootinimo ku soo galay England 1946. maantana ay dhici karto in uu UK prime misniter ka noqdo… markaa haddii arinku yahay qaran-based waa in Barkhad Jaamac Xirsi uu isna u tartami karaa hogaanka xisbi qaran ama kan madaxtinimo ee Somaliland!… why not?
Dusha ka Dimuqraadi hoosta ka Qabaa’il
Xaqiiqadu waxay tahay in Somaliland aanay si dhab ah ugu dhaqmin labadan nidaam midna qabaa’il-based iyo qaran-based, dimuqraadiyad-na hadalkeedba daa, balse nidaamka ka shaqeeyaa yahay “dusha ka dimuqraadi hoosta ka qabaa’il” ama kolba kay ugu badinayso, oo markaynu la hadlayno cuqaasha iyo cabashada reerahooda waxaynu leenahay madaxweynuhu cabashadiinaa saami qaybsiga dib u milicsi ayuu ku samaynayaa si deg deg ahna wax buu uga qaban doonaa.
Markaynu la hadlayno “beesha caalamka ” arinku waa: wadankani wuxuu ku dhisan yahay xisbiyo loo siman yahay, doorashooyin xor iyo xalaal ahna kula kala wareega maamulka, shaqaalaha dawliga ahina waxay ku yimaadaan aqoon iyo karti, mana jirtaan takoor ku saabsan xaga nasabka.
Markay soo kacaan mawjado aan la moosi karina waxaa banaan in la yidhaah shareecada Islaamkaa wadanka lagu xukumayaa… (Alloow run u hiili)!
Waxaa muuqata in ummadu waxay dhaqan u lahayd laga kaxeeyay , wixii loo kaxeeeyayna aan lagu dhaqin, oo mar lagu doodo dastuurkaa wadanka xukuma , marna madasha iyo odayaal rug cadaayaa u talinaya, marna waa dimuqraadiyoo xisbiyaa ka arimiya!
Kabashada cilmiga gaaban waa lagu kadeedmaa
Goorma ayaynu ka koraynaa inaynu (Bari iyo Galbeed) kolba mid u ruclayno ? qaar baaba ku dooda hada in dimuqraadiyadu ka ajar badan tahay Shuuciyadii ! – malaha shuuciyadu shaxaad kaanay ogolayn – qabaa’il baynu nahay (ceebna ma aha) ee ma iska cadysanaa waxna ma ku qaybsanaa ? furaha kacbadaba reerbaa haya oo lagu og yahaye soo lama socotid ? haddii kale qaranimada ma ka run sheegnaa oo kartida iyo aqoonta ma hor marinaa?
Tu San
Zeki Dool
London, UK.