Somaliland: Doorka Haweenka ee Dowladda iyo Doorashooyinka – Warbixin Weriye Saleebaan Kalshaale
Hargaysa 12,June 2016 (SDN/QJ):- Kaltuun Sh. Xasan oo ah haweenayda qudha ee ku jirta Guddida Doorashooyinka Qaranku, waxay laf-dhabar u tahay geedi-socodka howlaha Doorashooyinka iyo isku-duubnimada Guddida ay Madiga ku tahay..
Ka muuqashada Haweenka ee Hay’adaha Dastuuriga ahi waxay iib-geyn kartaa Qadiyada Somaliland, waxaanay yarayn kartaa Musuqmaasuqa iyo Maamul-xumada ragaadisa horumarka dawliga ah…
Saacaddu waxay ahayd abaaro 11:00 am xilliga Geeska Afrika, bishuna waxay ahayd 10 February sanadkan 2016-ka, shaqada ayaa ahayd mid xowli ku socota, haddana muu jirin buuq iyo mashquul badan oo laga dareemayey xafiisyada dhismaha. balse gudaha ganjeelka intii aan joogay waxa ii muuqday dhaq-dhaqaaq ka socday dibada, gaadiid waaweyn oo lagu rarayo agabka Sannaaduuqda Diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka, goobtuna waa dhismaha xarunta Guud ee Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland.
Qorshaha booqashada xafiiskan, waxay ahayd mid kamid ah shaqo maalmeedkaygii caadiga ahaa ee howlaha Ururka Mareegaha Somallannd, waxaana igu weheliyey Koox xirfadleyaal ah oo metelayey Warbaahinta Online-ka ku shaqaysa ee Somalilnd, gaar ahaan xubnaha ururka SOMA ( Somaliland online Media Association).
Dhismaha xarunta Komishanku waa dhisme saddex dabaq ah dhamaantood waxa ku yaalla xafiisyo, dabaqa dhexe waxa fadhiista Madaxda, gaar ahaan guddida oo ku leh hoolka shirarka iyo xafiis qaybeedyo kala duwan, sida Xafiiska Guddoomiyaha, Guddoomiye ku-xigeenka iyo laamaha kale.
Markan waxaan soo gaadhnay dabaqa dhexe ee Dhismaha, waxa nagu qaabishay Gabadh ku sugnayd xafiiska u xiga dhinaca afaafka laga galo dabaqan. dabcan soo dhaweyn iyo waydiimo ku saabsan ujeedada aanu u soconay kaddib waxay noo gudbisay xafiiska guddidu ku qaabisho Dadka, kaasoo sidoo kale aan filayo inay guddidu ku shiraan.
Xafiiskan u qalabaysan sida quruxda badan, isla markaan ay yaalaan Miisaska iyo Kuraasta loogu talo galay shirark waxa ku sugnaa Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo Xubin kamid ah Guddida oo ahaa qofkii furaha u ahaa balanta aanu ku nimi goobtan, isla markaana aannaan la’aantii howsha aanu u soconay oo muhiim ahayd suurto-gasheen.
Salaan iyo bariido kalsooni badani ku dhehan tahay kaddib, wada Hadalka ujeedada kulanka aanu halkaas u tagnay, waxa nooga horeeyey oo aanu ku nasanay waxoogaa kaftan iyo falaqeyn guud ah oo na dhex martay Guddoomiyaha iyo xubnaha kale ee Guddida ee shirka ku sugnaa.
Kama madhnayn kaftanka dhaliil ay Komishaneeraddu u jeediyeen Saxaafadda iyo dabcan gil-gilasho xeeladaysan oo aanu qosol iyo dhoola-caddeyn kaga falcelinay waxyaabihii nalugu duray xataa kuwo duur-xul ahaa. Sidoo kale qaybtii hore ee kulanka waxa kamid ahayd isbarasho iyo xog waran guud, waxaana gudbinta aara’da ku hor maray xubnaha hadlay Kooxdayada oo aan aniga laftaydu kamid ahaa.
Markii aanu dhamaysanay warbixintayada, waxa jawaab kooban oo haddana koobsatay war-celinta wixii aanu ka hadalnay oo dhan ka dhawaajisay Kaltuun Sh. Xasan oo kamida Guddida Doorashooyinka Qaranka. Waxaan aad ula dhacay sida ay noogu warantay ee furan, Kalsoonida ku lamaanayd weedhaha ka soo baxayey afkeeda iyo rejo-gelinta howl-galkii aanu u soconay oo in uu guulaystaa muhiim u ahayd labada dhinacba. Is-faham iyo wada-shaqeyn cusub oo hor leh iyo inaanu wada raadino jid cusub oo uu ku meel-marayo Mashruuca aanu u soconay, ayaa uu ku dhamaday kulankaasi, waxaanan aad iyo aad ugu mahad-celinayaa kaltuun iyo xubnaha kale ee guddida oo sida fiican noogu qaabilay xafiiska.
Dulucda qormadayda:
ha iga caajisina Akhristeyaal! dulucda qormadaydu kuma salaysna inaan idiin sharaxo shaqo-maalmeedka kooban ee na dhex maray komishanka’e, waxayse daarantahay inaan inyar idiinka sharaxo cashar aan ka bartay wada-shaqeynta na dhex martay guddida doorashooyinka laga soo bilaabo kulanka kor ku xusan ilaa xilligan iyo saameynta togan ee uu abuuray wacyiga Haweenka oo ah laf-dhabarta Bulshada Somaliland ku yeelan karo geedi-socodka nidaamka dawliga ah.
Kaltuum Sh. Xasan Cabdi, waa xubinta aan kor ku xusaye, waxay kamid tahay Guddid Doorashooyinka Qaranka Somaliland. waa haweenayda qudha ee ku jirta 7 xubnood ee Guddida oo ay lixda kale rag yihiin, waxaanay door muhiim ku leedahay agaasinka iyo hogaaminta howlaha Doorashooyinka ee ay Guddidu maamusho.
Inkasta oo sida shaqadooda ka muuqata todobada xubnood ee Guddida Doorashooyinku ay yihiin Ul iyo diirkeed, isla markaana uga shaqeeyaan hab unug ah howl-galka diyaarinta jidka doorashooyinka, haddana xubin waliba waxay qaabilsantahay howl gaar ah ama waax-howleed loo ay hormuud u tahay.
Kaltuun Sheikh Xasan, waxay qaabilsantahay qaybta howsha ugu muhiimsan arrimaha Diwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo Doorashada, taasoo ah Wacyi-gelinta muwaadiniinta, taasoo ah howl baaxaddeeda leh, isla markaana furre u ah fulinta Mashruuca Diwaan-gelinta codbixiyeyaash oo iminka ka socota Gobolkii shanaad, horena looga fuliyey Afar Gobol oo waaweyn.
Wada-shaqeynta hufan ee ay sida joogtada ah ula samayso dhamaan kooxaha fariimaha wacyi-gelinta u gudbiya Bulshada, oo ay saxaafaddu ugu horayso iyo waayo-aragnimada ay u leedahay qaybaha bulshada, ayaa u sahlay inay si habsami ah u maamusho howsha wacyi-gelinta Diwaan-gelinta. Haweenka iyo dhalinyarada oo ah qaybta ugu balaadhan Shacbiga Somaliland ayey u tahay jilaa soo jiidasho iyo ku dayasho u ah Ra’yul caamka (ROLE MODEL). Waxa kale oo tah-kiidin u baahan waayo-aragnimada ay u leedahay tuubooyinka ama chanels-ka shacbiga loo mariyo wacyi-gelinta, maadaama oo ay muddo dheer ka soo shaqaynaysay Ururrada Bulshada ee waddaniga ah.
Doorka Haweenka ee Hay’addaha dawladda:
Si kastaba ha ahaatee, Kamid noqoshada haweenka ee Hay’addaha Qaranka, siiba kuwa Dastuuriga ah, sida Baarlamanka, Fulinta iyo Garsoorku, waxay sawir wanaagsan ka bixinaysaa doorka fiican ee ay Haweenku ku leeyihiin dawladda oo marba marka ka dambeysa kor u soo kacaysa, waxaana tusaale kale inoogu filan marka aan isbar-bar dhigno Wasiirka Maaliyada Sam sam Cabdi Aadan oo ah gabadhii u horaysay ee Wasiirka Maaliyada noqota Geeska Afrika iyo Kaltuum Sh. Xasan Cabdi oo ah Haweenaydii labaad ee ka mid noqota Guddida Doorashooyinka Qaranka. Xubno kale oo Gabdho ah ayaa xilal wasiirnimo ka haya Hay’addaha Dawladda, sida Shugri Xaaji Bandare oo ah Wasiirka Deegaanka iyo duur-joogta iyo Shugri Xariir Ismaaciil, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta.
Waa u sharaf Somaliland in Haweenku ka muuqdaan hay’addaha sare ee qaranka, si loo muujiyo kaalinta ay ku leeyihiin haykalka dawladnimo iyo horumarka kaabeyaasha muhiimka ah. Waxa kale oo xusid iyo xaqiijin u baahan kartida iyo howl-gudashada daacadnimadu ku dheehantahay ee ay haweenku ragga dheeryihiin markaan la inkirayn, iyadoo la odhan karo,“haddii shaqooyinka muhiimka ah ee dawladda dumar loo dhiibo, may jireen musuqmaasuq iyo maamul-xumo toona, lamana arkeen sidaan aaminsanahay, hanti qaran oo si khaldan loo isticmaalo. Sida; Eex iyo Qaraabo kiil shaqooyinka iyo fursadaha kale lagu bixiyo”. “Waaba hab lagula dagaalami karo aafooyinka dawladnimada ragaadiya”. Waxaana tusaaleyaashaas oo dhan ka markhaati kacaya horumarka iyo hufnaanta shaqo ee ka socda hay’addaha ay haweenku hormuudka ka yihiin, ama ay Kaalinta fullineed ku leeyihiin, sida Komishanka Doorashooyinka Qaranka.
W/Q: Weriye Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)