|

“Somaliland Diyaar Uma Aha Waxyaabihii Heshiiska Lagu Galay,Anagu Hargaysa Kuma Soo Socono…..” Madaxweyne Ku Xigeenka Kooxda Khaatumo DAAWO

Buuhoodle 21.Aug 2016 (SDN/QJ):- Kooxda uu hoggaamiyo Cali Khaliif Galaydh ee Maamulka Khaatumo la baxday, ayaa Shaaca ka qaaday in wax iska beddeleen qaabkii wadahadaladda u dhexeeyay Somaliland iyo Khaatumo, isla markaana dhabar-jab ku yimi, ka dib markii ay Somaliland ku eedeeyeen inay jebisay qaar ka mid ah qodobbo hor-dhac ah oo la isku afgartay.
madaxweyne ku xigeenka KhaatumoCabdalle Cali Haybe oo Khaatumo ugu magacaaban Madaxweyne ku-xigeen, ayaa s Telefishinka Somnews u sheegay in qodobbada lagu heshiiyay ee hor-dhaca ah ay ka mid ahayeen in aan diiwaangelin laga samayn karin deegaannada Sool, Sanaag-Bari iyo Caynabo, balse ay qodobbadaasi jabeen, ka dib markii ay Xukuumadda Somaliland hirgelin wayday, sida uu ku dooday Cabdalle.
“Wadahadalka Caynabo ku dhexmaray Maamulka Khaatumo iyo Somaliland, haddii runtii meesha in mudooyin ah ka socdeen fadqalalo, gacan-ka-hadal, dhiig daadanayay iyo dhibaatooyin ay jireen, waxa la gartay in bal maanta lagu eego wadahadal dhexmara Khaatumo iyo Somaliland. Arrinta haddii aanu nahay maamulka Khaatumo waxaannu ilaalinnay bal in wadahadalka waxyaabihii hordhaca ahaa ee lagu heshiiyay isidoodii u meel-maraan, anagoo jecel bal in is-afgarad ama wadahadal xaaladihii yaallay meesha tan (Buuhoodle) ee dhimashada iyo burburkaba lahaa wadahadal wax lagaga qabto.” Sidaa ayuu yidhi Cabdalle Cali Haybe.
Masuulkan Madaxweyne Ku-xigeenka ugu magacaabay Kooxda Khaatumo la baxday, waxa uu intaas ku daray; “Laakiin, runtii dhinaca Somaliland diyaar uma aha in waxyaabihii heshiiska lagu galay ama lagu heshiiyay umana qudh-qudhsana, iyagoo sheeganaya dimuquraaddiyad. Waxa muuqata waxyaabihii hordhaca ahaa ee aannu ku heshiinnay oo ahaa in deegaannada Sool, Sanaag iyo Cayn inta wadahadalladaasi hirgalayaan ama laysku afgaran-waayayo in la hakiyo, in aanay wax fara-gelin ah ku samaynin deegaannada Sool, Sanaag iyo Cayn.”
“Waxa kale oo heshiisyada hordhaca ah ka mid ahaa in aan wax tiro-koob la yidhaahdo ama diiwaangelin aan laga samaynin deegaannada, balse heshiiskii oo aan dhammaan ayay durba jabeen qodobbadii hordhaca ahaa ee aannu ku heshiinnay Somaliland.” Sidaa ayuu yidhi Cabdalle Cali Haybe.

Comments are closed