Somaliland: Diwaangelinta Guurka & Furriinka Oo La Bilaabayo & Tiro-koobka Dhalashada Iyo Dhimashada Carruurta Oo Socota,Degmooyinka Laga Bilaabay iyo Mudada uu Soconayo
Hargaysa 18. November 2016 (SDN/QJ):- Dawladda Somaliland iyo Hay’adda UNICEF ayaa ka wada hadlay Mashruuc lagula soconayo Tirada Carruurta ku dhalata qaar ka mid ah Degmooyinka Somaliland iyo kuwa Dhinta ama Saqiira, si markaa loola tacaali karo Xanuunnada keena dhimashada Carruurta yaryar.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi Cabdifataax Siciid Axmed, ayaa Shalay Xarunta Wasaaradda Arrimaha gudaha kula kulmay Wefti uu Hoggaaminayo Qaybsanaha Hay’adda UNICEF ee Dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Steven Lauwerier oo Hargeysa safar ku yimid.
War-saxaafadeed uu Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Guduhu uu kulankaa ka dib, soo saaray, ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi Mr. Cabdifataax Siciid Axmed uu ku faahfaahiyey Mashruucan ay ka wada hadleen Masuulka ka socday UNINEF, waxaanu yidhi, “Mashruucan (Diwaangelinta) Dhalashada iyo Dhimashada Carruurtu waxa uu bilaabmay 2013kii, wakhtigaasi wuxuu ku bilaabmay saddex Degmo, mar dhexe waxa laga dhigay Lix degmo, imikana waxa laga dhigayaa 10 Degmo oo u kala qaybsan 6 degmo oo hore iyo 4 degmo oo cusub, degmooyinkaasi oo kala ah Berbara, Hargaysa, Burco, Boorama, Laascaanod, Ceerigaabo, Gabiley, Caynaba Oodweyne Iyo Saylac.”
War-saxaafadeedka ayaa intaa ku daray in u Qaybsanaha UNICEF ee Somaliland iyo Soomaaliya Mr Steven Lauwerier uu kulankaasi ka sheegay in mashruucan uu yahay mid muhiimad u leh Somalilan, isla-markaana isagoo ah Qaran aan weli la aqoonsan ay Hadda hirgaliyeen waxyaabaha ay Dawladaha caalamka qaarkood aanay qabsan, waxaanu xusay in mashruucani aanu ka hirgelin xitaa Dalka Soomaaliya.
Mashruucan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee ka hirgala guud ahaanba Geeska Afrika iyadoo ilaa hadda shahaadooyinka dhalashada la siiyey 1060,000 Carruur reer Somaliland.
War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha gudaha, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mashruucani leeyahay Weji kale oo ah diwaangelinta Lamaanayaasha is-guursada iyo kuwa is-fura ama kal taga, Madaxduna sheegeen in dhawaan la bilaabo doono wejigaa labaad.
Kulankan waxa isaguna ku sugnaa Agaasimaha Waaxda Dhalashada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Jibriil , Madaxa laanta Diwaangelinta Maxamed Jaamac Colow iyo la-taliyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdikariin Cabdi Aadan.