Somaliland “Dal u afduuban Khilaafka Xisbiga Kulmiye,Si Muuqatana u sii afduubnaan doona iyo Xukuumada oo Tanaasul Muujisay”
Hargaysa 22.May 2015 (SDN/QJ)-Kulan wada hadal ah oo lagu beegsanayo heshiis laga gaadho khilaafka ka taagan mudda kordhinta siyaasiga ah ee loo sameeyay madaxtooyada, oo doraad uga furmay huteel Ambassador dhinacyada siyaasada ayaa loo balamay sabtida soo socota, isla markaana waxa kulankaa lagu kala hakaday mawqifyada la kala taagan yahay, taasoo sababtay in talo laysugu noqdo oo sabtida laysula yimaado xal siyaasiya oo lagu gaadhi karo heshiis.
Kulankaa oo uu gudoominayay Madaxweyne xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, waxa sadexda xisbi uga qayb galay gudoomiyayaashooda iyo xubno wehelinayay oo ka mid ah madaxda sare ee xisbiyada. bilowgii kulankaaba waxa hadal curisay in saxaafaddu goob joog ahaato iyo in kale, isla markaana Muj. Cali Guray oo ka mid ahaa ka qayb galayaasha shirka ayaa soo jeediyay, in aan la saarin saxaafada ee ay xaadir ahaato, maadaama waxa laga wada hadlayaa yihiin arrin aan qarsoodi ahayn, loona baahan yahay inay dadka u gudbiyaan waxa ka socda madasha wada hadalka. Hase yeeshee madaxweyne ku xigeen ka Saylici ayaa ku adkaystay in saxaafaddu qaadato sawiradda wixii war ahna ay ku sugto dibadda.
Inkastoo saxaafaddu dibad joog ka ahayd wada hadalka, haddana siday illo u dhuun daloolay u sheegeen wargeyska Ogaal, labada dhinac waxay kala joogsadeen mawqifyo kala durugsan, isla markaana xisbiyada mucaaridka ee Ucid iyo Waddani waxay istaageen in lagu soo laabto qorshihii komishanka ee sanadka ahaa oo qabsoomida doorashada ka dhigayay kowda juun 2016. Xoguhu waxay intaa ku dareen in rogrog iyo duurxulba laysla jeexjeexay arrinta, doodduna ku soo ururtay, xal sharci iyo xal siyaasiya ka lagu baadi dooni karo heshiis, aakhirkiina lays tusay in loo baahan yahay xal siyaasiya oo lagu beegsan karo heshiis, kaasoo ay mucaaridkuna ku dooddeen in cidda looga baahanyay ay tahay xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye, isla markaana ay xubnihii meesha ka fadhiyay muxaafidku ay dalbadeen in dhinac waliba doono oo dib ugu laabto dhiniciisii. Xogahaasi waxay iftiimiyeen, in mucaaridku kaftan ahaan dureen ergada muxaafidka, isla markaana ku tirtirsiyeen in loo yeedho dadkii taladu ka go,aysay. “u yeedha marwooyinka iyo dadka taladu ka go,do illayn idinka talo idin kama go,dee.” Weedhaa iyo qaar kale oo la dhadhan ahiba waxa la sheegay inay ka mid ahaayeen duurxul xubnaha mucaaridka qaarkood ku waydaynayeen go,aan qaadashada ergada muxaafidka. Kaftankaa oo muxaafidiintuna dhinacooda ka hadal celiyeen markii laysla qaatay in dhinac waliba talo kula laabto bahdooda.wasiirka arrimaha gudaha Cali Warancadde oo ka mid ahaa ergadda xukuumadda ayaa isna xoguhu tusmeeyeen, inuu ku abhiyay mucaaridka in aan loo baahnayn mudaharaado, balse loo baahan yahay heshiis lagu kala badbaado oo lagu kala baajiyo dhalinta iyo ciidanka.
Dhinaca kale waxa weli su,aali ka taagan tahay is aaminka, iyadoo hore wax badan oo lagu heshiiyay loo tirinayo inay ka baxday madaxtooyadda Kulmiye. Kuwaas oo ay ugu dambeeyeen, heshiiskii qorshaha doorashada ee kowda juun 2016 ee komishanka iyo sadexda xisbi oo ay sheegeen in Kulmiye ka baxay. Is fahamkii xisbiyadda ee maalinta doorashada u rarayay 15.Novembar.2016 ee ay isla saxeexeen Ucid iyo Kulmiye, Waddanina diiday, kaasoo markii dambena Kulmiye kaga baxay Ucid oo waday dhiraan dhirinta isu soo dhawaynta, kadibna taageeray mudda kordhinta guurtida.
Heshiisyadaa iyo qaar badan oo kale oo ka horeeyay oo ay mucaaridku sheegaan in lagaga baxay ayaa iyana ah caqabad wax yeeli karta kalsoonida, damaanad adag la,aanteed. Khilaafka xisbiga Kulmiye oo u muuqda sababta ugu wayn ee khilaafka siyaasadeed iyo carqaladaynta doorashada, ayaa isna sii jiritaankiisu dardaar werinayaa. “Somaliland waa dal u af duuban khilaafka xisbiga kulmiye, sida muuqatana u sii afduubnaan doona.”sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka siyaasada falanqeeya oo la hadlay Ogaal.
Arrimahaa ka sokow kulankaa doraad markii uu dhamaaday waxa saxaafadda la hadlay sadexda gudoomiye ee xisbiyadda, kuwaasoo midba gaarkiisa uu guud mar uga siiyay warbaahinta waxa u qabsoomay.
KULMIYE:
Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ugu horayn la hadlay saxaafadda dhamaadkii kulankaa kadib, wuxuu sheegay inay sameeyeen bilow wanaagsan, dibna u balameen sabtida soo socota. Gudoomiyaha oo arrintaa ka hadlayaana wuxuu yidhi; “Maanta (shalay),sidii aad ka warqabteen, waxaanu galay oo aanu bilownay shirkii saddexda xisbi qaran ay kaga wadahadlayeen arrinta dib u dhaca doorashooyinka oo uu gudoominayay Madaxweyne ku-xigeenku. Markaanu isla eegnay shirka oo bilow ah, markaanu dhinac walba ka eegnay, waxaanu ku heshiinay ajandihii shirka iyo sidaan u guda geli lahayn, anagoo si walaaltinimo ah oo niyad sami ah oo qolo waliba si degan oo masuul ah u soo fikirtay, waxaanu isla eegnay qodobadii muhiimka ahaa, qaabka shirku u soconayo, ajandaha iyo sidaanu u wadayno .”
Muuse Biixi wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Waxaanu ku heshiinay in shirka ajandihiisu noqdo in arrinta qoloba meel iska taagtay ee dib u dhaca doorashooyinka aanu u helo xal siyaasiya oo saddexda xisbiba ku qancaan oo ay ku heshiiyaan , oo aanu gudahayaga ka dhammaysano. Waxaanu isla qaadanay in khamiista iyo jimcaha qolo waliba isku noqoto, sabtida haddii alle idmo aanu furano dooddii ahayd arrintan sidaynu uga baxnaa oo ajandihii si toos ah loo galo.”
UCID:
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa isna dhiniciisa ka hadlay wadahadalka bilowga ah ee u furmay dhinacyada siyaasada Somaliland, isla markaana wuxuu yidhi; “Arrintan aanu maanta (shalay), aanu u fadhiisanay waa arrin aad iyo aad u adag, waa arrinta markii ugu horraysay intii aynu jiray marna arrinteenu may gaadhiin Qaramada Midoobay, arrinteena Qaramada Midoobay baa laga sheegay, waliba waxaa ku faanay Nicholas Kay oo yidhi waxaan ku booriyay inay wadahadal furaan, waxaan sheegayaa isagu nagumuu boorine, anigaa keenay arrintan. Haddii aanu anagu nahay Ucid labadan xisbi waa loo kordhiyay oo laba nin oo loo kordhiyay ayaa daafacaya mowqifkoodii, xisbiga qudha ee aan loo kordhinin waa anaga, markaa waa in arrinta sidaa loo kala gartaa, oo Axmed Siilaanyo iyo Cirro waa loo kordhiyay aniguun baan lay kordhin.” .
Gudoomiye Faysal wuxuu intaa ku sii ladhay oo uu yidhi; “Sidaa awgeed waxaanu gaadhnay in aynu waxeena sidii caaddada inoo ahaan jirtay aan laga tashan ma sharci baa mise waa sharci, maamul iyo sharci horaynu jeebada u gashanay oo beryahanba kuma shaqayno, marka inaynu xal doono oon la odhan sharci iyo sharci maaha, oo haddii sharci lagu soconayo maanta wax badan baa haddii sharci lagu soconayo sidaa u taagnadeen, markaa sidii caadadeena ahayd xeer jajabkeenii oo aynu dalka iyo dadka u tudhaynay in la tago oo aynu wadatashina kula noqon asxaabtayadii, insha allaah Sabtida sidii caadada inoo ahaan jirtay in inagoo wax fiican oo ummada ka farxiya oo cadawgana ka nixiya isula nimaadno.”
WADDANI:
Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa isna sawirkan kooban ka bixiyay wadahadalkii shalay. Gudoomiye Cirro wuxuu yidhi; “Maanta waxa shir isugu yimi saddexda xisbi qaran, oo shirgudoominayay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland. Markii aanu isu nimi waxaanu ka doodnay waxa laga wadahadalayo , waxaa laga wadahadalaya wuxuu noqday khilaafkii ka dhashay go’aanka muddo kordhinta ee Golaha Guurtida Somaliland, axsaabtu meelo kala duwan bay kala joogeen. Laakiin waxaanu isla garanay in xal siyaasi ah la doono, taa daraadeed asxaabtuna u soo waranto asxaabtooda, sabtidana la isku soo noqdo oo xal siyaasiya loo raadiyo arrintan khilaafka ka dhashay muddo kordhinta ay guurtidu gaadhay. Marka insha allaah sabtida ayaa la isugu iman doonnaa shacabkana waxaanu u sheegayna taas.”.
Dhanka Kale labada Xisbi Mucaarid ayaa Mawqif adag iska taagay Mudo Kordhinta aan heshiiska lagu ahayn Ma jiro war rasmi ah oo lagu cadeeyay mawqifka ay labada xisbi mucaarad u gudbiyeen xukuumadda, laakiin ilo xogogaala ayaa sheegay in Waddani iyo UCID ay xukuumadda iyo KULMIYE u gudbiyeen inay taaganyihiin mawqif ah inay doorashooyinku ku qabsoomaan wakhtigii ay guddiga doorashadu u cayimeen ee ahaa 1 June 2016, halka ay dhinaca xukuumadu iyaguna sheegeen inay taaganyihiin sannad iyo tobanka bilood ee ay golaha guurtidu kordhiyeen.
Hase yeeshee ilahan xogogaalka ah ayaa sheegay in ergadii xukuumadda iyo KULMIYE ay bixiyeen bidhaan muujinaysa inay ka soo dabcaan mawqifkaas adag ee muddo kordhinta, waxaana la sheegay in xubno muhiim ah ay kulanka ka tilmeen inay diyaar u yihiin tanaasul. Waxaanay warar soo baxay tilmaamayaan suurtogalnimada in madaxtooyadu soo jeediso in lagu saleeyo muddo kordhinta soo jeedintii aan tisqaadin ee asxaabta mucaaradka ee ahayd 15 November 2016 oo shan bilood iyo shan iyo toban maalmood ka badan wakhtigii ay guddiga doorashadu cayintay islamarkaana dhawr bilood ka yar muddo kordhinta golaha guurtida. Waxaana la filayaa in ergada xukuumadu ay Sabtida la gole tagaan mawqifkan oo ah mid tanaasul ah oo aanay dad badan oo siyaasadda lafo-guraa ka filayn xukuumadda.
Hargaysa SDN/QJ