Somaliland: Ciidan Boolis Oo Lagu Xidhay Lug ay Ku Leeyihiin Masiibada Tahriibta
Saylac:5-Nov-2013(SDN) –Somaliland oo Haatan ay faraha ka sii baxayso Masiibada Tahriibtu, ayaa Haatan waxa Arrinta lug ku yeeshay oo Loo Xidhay Koox ka tirsan Ciidanka Booliska.
Toddoba ka mid ah Askarta Laanata socdaalka Gobolka Selal ayaa Maalinnimadii Axadda xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyey in ay tahriibinayeen dad saarnaa gaadhi nooca loo adeegsato tahriibiyayaasha xeebaha galbeedka Somaliland.
Sida ay sheegayaan wararka Shabakadda Qurbejoog.com ka Helayso Gobolka Salel, waxa gacanta lagu dhigay ciidanka oo si toos ah gacanta ugu jira falkan ay ku tahriibanayeen Kooxdan Tahriibayaasha ah, iyadoo isla halkaas lagu qabtay gaadhigii ay tahriibayaashu saarnaayeen oo haatan ku xidhan saldhigga Booliska Saylac.
Talaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee lagu bar tilmaameedsado Askarta oo inta badan lagu xaman jiray in ay qayb libaax ka qaataan Tahriibinta Tahriibayaasha xeebaha Galbeedka Somaliland kuwaas oo beegsada dalalka Carabta, gaar ahaan yaman iyo Sucuudiga.
Dhaqanka ay ciidanka Ammaanka ee lagu aaminay inay la dagaalamaan tahriibka ay iyagu qaybta kaga noqdeen, ayaa filinwaa iyo fajaciso ku noqotay hoggaanka sare ee Ciidanka ammaanka, waxana la filayaa inay fadhiyo ka yeeshaan tallaabadii laga qaadi lahaa kooxahan ciidanka ka tirsan ee arrintan halista ah ku kacay.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com