|

Somaliland: Bil Gudaheed waxaa Ka Dhacay 230 Shil Gaadiid Iyo Awaamiir Cusub oo Gaadiidka lagu soo rogay, DAAWO

Hargaysa 05.July 2015 (SDN/QJ)- Taliyaha ciidamada booliska Somaliland Saareeeye guuto C.laahi Fadal Iimaan ayaa ka war bixiyay khasaaraha shilalka gaadiidka Somaliland ka dhacey isagoo taliyuhu fariimo adagna u direy wadayaasha gaadiidka dalka.

ina fadaloTaliye Fadal ayaa sheegay in la xadiday xawaaradaha ay ku socdaan baabuurta gudaha magaalooyinka iyo kuwa isticmaala jidadka waawayn ee xidhiidhiya gobollada dalka, waxaannu xusay in xawaaraha baabuurta gudaha magaalooyinku noqonayo 30 Kilomiter keliya saacadiiba, halka kuwa maraya waddooyinka gobollada isku xidha lagu amray in xawaarahoodu noqdo 80 Kilomiter, isla markaana ciddii ku xad-gudubta sharcigaasna la marin doono ciqaab adag.

Dhinaca kale, taliyuhu waxa uu sheegay in bishan oo keliya ay ka dhaceen Somaliland 257 shil, isla markaana ay ku geeriyoodeen 19 qof.

Sidoo kale waxa uu sheegay taliyuhu in derajada liisamada baabuurta lagu kaantaroolo wadeyaasha baabuurta.

Hargeysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed