|

‘’Somaliland Beel Gaar Ahi Ma Leh, Maan Baxsan Meelna Uma Socdo Hargaysa Ayaan Ku Dhashay ,Waxaan Ahay Nin Han Siyaasadeed Leh, Madaxwayne Muuse Biixina…’’ Wasiir Xaglo Toosiye DAAWO

Hargaysa 20. December 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Xasan Ismaaciil Yuusuf ayaa Maanta kala wareegay Xilkii Wasaaradaasi Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye.

Wasiir Xaglo Toosiye ayaa Khudbad dhinacyo badan leh waxa uu ka Jeediyey Xil wareejintaas Waxaanu sheegay inuu ku qanacsan yahay inaanu ka mid noqon Golaha Xukuumadeed ee uu soo dhisay Madaxweyne Muuse Biixi ‘’Shalay ayaan Xilka Tirsaday,Maanta Ayaan Tirinayaa,Berrina Isaga Ayaa Tirin Doona Waanan Ku Faraxsanahaye Kama Xumi Oo Waa Sunnaha Dawladnimada.

Maan Baxsan,Meelna Uma Socdo,Hargaysa Ayaan Ku Dhashay Ku Koray Oo Aan Degenahay Hantidaydii Iyo Ubadkaygiina Ay Joogaan Waligayna Waxaan Ahaan Doonaa Muwaadin Dalkiisa Jecel Oo U Shaqeeya,Ma filayo In Arrinta Laygu Fadeexadaynayo Uu Madaxwayne Muuse Biixi Wax Ka Ogyahay.

Wasiir Xaglo Toosiye waxa kale oo uu sheegay ‘’Somaliland Beel Gaar Ahi Ma Leh,Meelna Uma Socdee Waxaan Ahay Nin Han Siyaasadeed Leh Oo Waxaan Ku Hamiyayaa Inaan Madaxwayne Ka Noqdo Somaliland.

Waxaan Hambalyo U Dirayaa Shacbiga Somaliland Ee Aniga I Jecel Aadna Ii Taageera,Aniguna Aan Jeclahay.

Somaliland Ha Guulaysato Oo Ha Jirto,Madaxwayne Muuse Biixina Waan Hambalyaynayaa Waanan U Ducaynayaa.

Comments are closed