|

Somaliland: Ardaydii u Horaysay ee Barata Hagista,Soo Dejinta Iyo Kicinta Diyaaradaha oo Madaxweyne Siilaanyo la Kulmay DAAWO

Hargaysa 09.Dec 2015 (SDN/QJ):- Madaxweynaha JSL MD Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) ayaa kulan la yeeshay 13 Hawl wadeen oo ka Tirsan Shaqaalaha Wasaaradda Duulista Iyo Hawada oo Mudo Todoba Bilood ah ku soo dhamaystay Waxbarasho la xidhiidha Hagista iyo soo dejinta Diyaaradaha.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada haatana ah Wasiirka Madaxtooyadda Mudane Maxamud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in Hawl wadeenadani ay Wax ku soo barteen Dugsi heer caalami ah oo ku yaala dalka Itoobiya Isla markaana ay ku soo baxeen Kaalmo sareeya.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed