Somaliland: Arday Culuunta Diblamaasiyadda Soo Baranaysa oo Sagootin loogu sameeyey Hargeysa DAAWO
Hargaysa 08. October 2016 (SDN/QJ):- Masuuliyiinta Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, ayaa Munaasibad Sagootin ah u sameeyey Shaqaalaha Wasaaraddaas ka tirsan oo Deeq Waxbarasho oo Culuunta Diblamaasiyadda ah ugu baxay Jaamacad ku taalla waddanka Itoobiya.
Munaasibaddaas oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxaa hadallo ka jeediyey Wasiiru-dowlaha Wasaaradda arrimaha dibedda, Guddoomiyaha Imtixaanaadka guud ee Somaliland, Agaasimaha guud ee Wasaarraddda arrimaha dibedda iyo Xubno kale, kuwaasoo hadallo duco iyo dardaaran ah u jeediyey Xubnaha Shaqaalaha ka tirsan ee Deeqda Waxbarasho loogu diray Itoobiya oo ka kooban Afar Xubnood.
Hadallada Masuuliyiinta kala duwan ee Xafladdaas Sagootinta ah ka jeediyeen iyo qaabkii ay u dhacday ee Ardaydaas ama Shaqaalahaas loola sii dardaarmayba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Warkooda oo dhan Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-