Somaliland: Agaasime la Caydhiyey iyo Wasiirkiisa oo Telefoonkooda lagu soo Dallacay $6,323 + Lacago Lagu Galay Ololihii Kulmiye oo Wasaaraddu dusha U ridatay+ Madaxii Waaxda Duulimaadyada Puntland Oo Hutello Hargeysa ku Yaalla ku Seexday $1500.
Hargeysa:6-Nov-2013(SDN)-Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamud Xaashi Cabdi ayaa maalintii shalay Baalmaray Wareegtadii uu madaxweyne Siilaanyo ku Faray inuu xilka u kala wareejiyo Agaasimha Wasaaradda ee cusub ee Kii Hore.
Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa markii Xil-wareejintu dhacaysay waxa uu dhex fadhiyey aqalka Madaxtooyada, isagoo diiddan inuu hor istaago Agaasimihii hore ee wasaaradiisa oo uu isagu Madaxtooyada si toos ah uga dalbaday in Cawda loo jaro, waxana uu Agaasime Dalal ku wareejiyey Xilkii wasaaradda Goob cidla ah oo aan Habayaraatee wax masuul ah oo wiilka uu ku wareejiyey ka sarreeyaa aanu joogin.
Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka Somaliland Axmed Dalal Faarax ayaa isagu si uu uga Aarguto Wasiirkan waxa isticmaalay Nidaam Ugub ku ah Somaliland iyo Xil-wareejimihii hore ee waddanka ka dhici jirey, isagoo Bannaanka u soo dhigay Arrimo ku huursanaa wasaaradda oo xilligii uu xilka ku raaxaysanayey aanu Ogolayn in cidi maqasho.
Waxa uu Agaasime Axmed Dalal ku soo bandhigay Documents-ka uu Saxaafadda u qaybiyey Arrimo liddi ku ah qaranimada Somaliland oo xubno ka socda Waddamada jaarka si qarsoodi ah Hargeysa Loogu masruufayey muddo badan Magaalada Hargeysa iyo waxyaabo Khiyaamo ku ah Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo aan Hore Bulshadu u Ogayn.
Waxa uu Agaasimuhu si Fudud oo aan ka fiirsasho lahayn ugu xusay qoraalka uu warbaahinta siiyey in Captain Maxamed Xaaji Cilmi (Dhagax) oo muddo ka hor ahaan jirey Madaxa Waaxda Duulimaadyada ee Maamulka Puntland, islamarkaana ahaa Duuliyihii Diyaaraddii Somali Airline ee 1986-kii la Afduubay uu Muddo Hurday oo si Qarsoodi ah u seexanayey Hutel City Centre ee Magaalada Hargeysa, waxana Hutelku wasaaradda ku soo dallacday Dayn ah $1500, iyadoo aan la sheegin sababta shakhsigaas Somaliyeed kharashka intaas Le’eg loogu talay.
Agaasime Dalal ayaa si Badheedh ah Saxaafadda ugu qaybiyey Waxyaabo Sir ah oo wasaaraddu leedahay, sida Daymo Xad-dhaaf ah oo Wasaaraddiisa lagu leeyahay iyo Dhaqdhaqaaqyadii kala duwanaa ee Hawada Somaliland laga sameeyey sannadkan aynu ku jirno, waxana uu Agaasimuhu Hannaan ku Xumee ah Qoraalka uu saxaafadda u qaybiyey ugu faahfaahiyey oo ku Caddeeyey inay wasaaradda Duulistu tahay Meel aan wax shaqo ahi ka soconin oo kaliya Daymo Xad-dhaaf ahi isku duul fuuleen.
Agaasimaha ayaan haba yaraatee ka fikirin in Cidda iska leh dhaliisha wasaaaradda Duulista uu isagu Kaw ka yahay maadaama uu isagu yahay shakhsigii iska lahaa socodsiinta Hawlaha Hoose ee Wasaaradda sida Daymaha oo kale, waxana uu saxaafadda u qaybiyey Daymo xaddi Badan oo aan wax Abtirsiimo iyo tixraac badan lahayn oo qaarkood lagu qoray Shakhsiyaad Huteelo qaali ah muddo badan iskaga jirey oo wasaaradda lagu soo dallacay.
Arrimaha la Yaabka leh ee uu Agaasimihii hore ee wasaaradda Duulistu Bannaanka soo Dhigay si Bulshadu u Ogaato, ayaa waxa Ka mid Biilka Telefoonadda gacanta ee Isaga(agaasime dalal) iyo Wasiirkiisa oo Muddo 9-Bilood ah ku Hadlay lacag dhan$6,323, taas oo wax lala yaabo ah in lacagta intaas le’egi ay qaranka kaga Baxdo Hadal iyo waxyaabo aan Qiimo lahayn, iyadoo markhaati u ah inay masuuliyiinta Xukuumaddu telefoonadooda aanay kantaroolin oo marmarka qaarkood qoysaskoodu ku Hadlaan, maadaama uu yahay wax aanay jeebkooda ka Bixinayn.
Dhacdooyinka Mahadhooyinka ah ee uu Agaasimuhu soo Bandhigay ayaa ah in wasaaradda Duulista oo ah Hay’ad Dawladeed ay Tuurta u Ridatay Dhammaanba lacagtii qaar ka mid ah warbaahintu ku Baahiyeen musharixiintii Xisbiga Kulmiye ee Sannadii 2011-kii ee Degmooyinka uu Wasiirku ka soo Jeedo ee Ceel afweyn iyo Gar-adag, taas oo Bannaanka soo Dhigtay in Xisbiga Kulmiye uu isticmaalayey Hantida Umadda dhexda u ah oo hore Loo Mamnuucay, iyadoo cadadka Lacagtaasna lagu sheegay $550.
Sidoo kale waxa uu Agaasime Dalal oo u muuqday nin ku Tiraabaya “ Cadyahow ama ku Cunay ama ku ciidayey” uu Bannaanka soo Dhigay Daymo lama Filaan ah oo shirkado dhisme ku leeyihiin wasaaraddiisa, waxana uu xusay in shirkadda shismaha ee Daryeel ay madaarka Hargeysa Ku Leedahay $85526.6, Halka shirkadda haatan gacanta ku haysa dhismaha xarunta wasaaradda Duulistuna ay ku leedahay $36500, Halka shirkadda Nalka Siisa Madaarka Hargeysa ay leedahay lacag dhan $20,860.
Biilasha Duugoobay ee Sannadihii 2011-2012-kii oo iskugu jira Biilasha wargeysyada, xayeysiisyo la Baahiyey,biilal shirkadda Soltelco ee laydhka, computarro wasaaraddu qaadatay, lacago Tiro Dhaaf ah oo Huteellada waaweyni soo dallacdeen, Shakhsiyaad Huteelo Loo Kireeyey Oo si Gaar ah Loo Casuumay ayaa Lacagaha ay wasaaradda Ku soo Dallaceen lagu sheegay $12,555 iyo Waliba 19,841,920 somaliland shilling ah oo kharashaadka yaryari isku Noqdeen.
Sidoo kale waxa wasaaradda Isla Sanadkan sii Galbanaya laga sugayaa lacago badan oo kirada Wasaaraddu ka mid tahay, waxana isku geynteeda lagu sheegay $20,776.
Totalka Guud ee Daymaha Illaa Maanta sida Tooska ah Loogu Leeyahay Wasaaradda Duulista Muddadii Labada sanno iyo Dheeraadka ahayd ee uu Agaasimihii Hore Joogay ayaa lagu sheegay $179,866USD. Waxana ay arrimaha Noocan oo kale ahi tusaale u yihiin in wasaaradda Duulistu ay la ciirciirayso Dayn xad-dhaaf ah oo ay masuuliyiinteedu soo jiideen iyadoo Haba yaraatee aan la garanayn sababta loo Bixin waayey Daymahaas Karkaarka jabiyey ee wasaaradu u Dabbaabo xidhan tahay.
Agaamise Dalal ayaa markii uu xilka wareejinayey u muuqday nin laabta ka jeclaa inuu wasiirku goob-joog ahaado si uu Badheedhihiisa u dhiibto, balse wasiir Xaashi oo caan ku ah dabin-dhawrka ayaa ka muquurtay Jallaafadaa lala maaganaa, waxana uu Agaasime Dalal ku tiraabay Weedh uu Wasiir Xaashi ugu sheegayo inuu Wareegto Madaxweyne Jabiyey,“Waan Jeclaan lahaa Maanta sida ku cad wareegtada Madaxweynaha inuu Wasiirku Goob-joog ka Ahaado Xilwareejinta, laakiin Malaha Siyaasiga waxa ugu muhiimsan Shirka Kulmiye Xil-wareejinta wasaaraddiisa.” Ayuu yidhi Agaasime Axmed Dalal.
S.D.N